Quruxlaydii Hore Ee Turkiga Merve Buyuksarac Oo Lagu Xukumay 14 Bilood Oo Xabsi Ah

Quruxleydii hore ee wadanka Turkiga Merve Buyuksarac, ayay shalay maxkamad ku taal Turkiga ku xukuntay 14 Bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay dambi ah ineey aflagaadeeysay Madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdogan.

Merve Buyuksarac, oo 27 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad la xidhiidha, in qoraal ay soo dhigtay Facebook-geeda ay ku aflagaadaysay Madaxweyne Erdogan, laakiin waxeey maxkamada kahor cadeeysay in marnaba aysan aflagaadayn madaxweynaha, sidoo kale qareenka u doodayay ayaa sheegay in racfaan ay ka qaadan doonaan xukunka.

Merve Buyuksarac, ayaa sanadkii 2006 ku guuleeysatay gabadha ugu quruxda badan  dalka Turkiga, waxaana sanadkii 2014 la dhigay xabsi mudo kooban, kadib qoraal ay soo dhigtay Instagramkeeda.

 

Tan iyo intii uu Erdogan noqday Ra’iisul wasaaraha Turkiga ilaa iyo hada oo uu Madaxweyne yahay, waxaa la xukumay oo xabsi la dhigay ilaa 2,000 ruux, oo ay ku jiraan shaqsiyaad caan ah, kuwaasoo lagu eedeeyay ineey meel kaga dhaceen madaxayne Recep.

Qaanuunka  Turkiga ayaa dhigaya, in qofkii ku gafa ama caaya Madaxweynaha ama Ra’iisul wasaaraha lagu xukumo xabsi dhan ilaa 4 sano.

 

Faalo Ka Dhiibo

comments