Ra’iisal Wasaaraha Dalka Germany ee Thersa May ayaa waxa ay sheegtay maanta oo arbaca ah in xidhiidhka uu dalkeedu la leeyahay Boqortooyada Sucuudiga mid taariikhi ah .

Theresa ayaa sidoo kale sheegtay in xidhiidhka qotada dheer ee uu dalkeedu la leeyahay Sucuudiga uu badbaadiyay dad u dhashay dalkeed kuwaasi oo ku noolaa Dalka Britain .

Waxa aanay sidoo kale sheegtay Ra’iisal Wasaare Theresa May in dalkeedu uu garab taagaanyahay boqortooyada Sucuudiga sidoo kalana ay kala shaqayanayaan wax kasta oo Wanaag ah .

Hadalka ka soo yeedhay Ra’iisal Wasaare Theresa May ayaa waxa uu ku soo beegmay xili uu dhaxal Sugaha boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan uu booqosho ku marayo Dalal ka mid ah qaarada Yurub .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA