Inkasta oo Ra’iisal Wasaaraha waddanka Canada Justin Trudeau uu shacabka waddankiisa iyo guud ahaan dadweynaha adduunka ee sida gaarka ah u qiimeeya labbiska madaxweynayaasha iyo arrimahooda kala kulmayay dhaleecayn xooggan oo ay muddoba ku dhaliili jireen nooca sharabaabada uu xidho oo inta ah noocyo midabo leh ama ay sawirro ku sawiran yihiin,

ayaa waxaa ugu dambayn la ogaaday sababta uu Justin Trudeau u doortay in uu ku labbisto sharabaado midabo leh, taasi oo noqotay arrin xiiso leh oo uu taageerayaal badan ku helay cid kasta oo hore u dhaliilsanaydna ay ugu garaabeen markii ay qisadan maqleen.

Ra’iisal Wasaaraha waddanka Canada Justin Trudeau ayaa goob kasta oo maxfal ah oo sawirro lagaga qaado ama uu sidoo kale waraysi ku bixinayo ayaa waxa la arkaa isaga oo inta badan ku labbista sharabaado leh sawirro midabo leh taasi oo ay inta badan dadku ku dhaliilaan marar bandanna warbaahinta dalkaasi Canada iyo kuwa caalamkuba wax ka qoreen, waxaana ugu dambeeyey kulankii Davos ee dhawaan ka dhacay waddanka Switzerland oo lagu arkay Ra’iisal Wasaaraha oo ku labbisan sharabaado ay ku sawiran yihiin shimbirta xuur-badeedda taasi oo midabkeedu huruud yahay.

Image result for Justin Trudeau socket

Waxaanay taasi dhalisay in sawirradii laga soo waaday Ra’iisal wasaaraha lugihiisa lagaga maadsado baraha bulshadu ku xidhiidho ee Internet-ka oo aad loogu dhaliilay iyada oo dad badani u arkayeen nin labbis xun oo aan meeqaamkii nin hogaamiye ah oo muhiim ahi lahaa aanu u labbisan maadaama dadku inta badan jecel yihiin sharabaabada marka laga hadlayo kuwo saafi ah oo aan sawirro iyo midabo badan toona lahayn.

Iyada oo ay wali socoto dhaleecaynta la xidhiidha sharaabaadada uu ku labbisto Ra’iisal Wasaare Justin Trudeau ayay idaacadda BBC-du kashiftay xaqiiqada rasmiga ah ee ninkan ku kalliftay in uu sharabaabada sawirrada leh xidho waxaanay arrintii noqotay in Ra’iisal Wasaaraha waddanka Canada Justin Trudeau uu arrinkan uga gol leeyahay dhiirri gelin uu ku dhiirri galiyo wiil dhallinyaro ah oo naafo ah oo aasaasay shirkad samaysa sharabaadada, iyada oo ay sharabaadadan uu ku labbistaa yihiin noocyo ka mid ah sharabaabadii ay soo saartay shirkadda wiilkaasi yari.

Idaacadda BBC-da oo arrinkan ka hadashay ayaa sheegtay in wiil lagu magacaabo John Cronin kaasi oo sannadkii 2016 aasaasay shirkad sharabaadada soo saarta kadib markii uu ku fashilmay dhawr isku day oo uu ku samaysanayay hal-abuur ganacsi oo intooda badan fashilmay balse ugu dambayn ay u hir gashay shirkad samaysa sharabaabada midabada iyo sawirrada leh maadaama uu yarkaasi markiisii hore jeclaan jiray sharabaadada midabada iyo sawirrada muuqda leh, si uu yarkaasi u dhiirri geliyana uu Ra’iisal Wasaare Justin Trudeau uu mar walba ku labbisto sharabaadada ay soo saarto shirkadda wiilkaasi. Aabaha dhalay wiilkan shirkaddan asaasay ayaa aad u ammaanay ra’iisal wasaaraha dalkiisa oo uu ku sifeeyey nin dhiirri gelin weyn u sameeyey wiilkiisa isaga oo sheegay in shirkadda wiilkiisa naafada ahi hindisay ay labadii sano ee ugu horreeyeyba macaashtay lacago ka badan 1.4 Million oo dollar.

Image result for John Cronin

“Aniga iyo wiilkaygu waxa aanu hore u ururinay lacag ka badan 30-kun oo dollar si aanu wax soo saarka shirkaddan ee sharabaadada ah u gaadhsiino dhawr dal oo adduunka ah waxaana naga caawiyey oo shirkaddan magaceeda kor u qaaday Madaxweynihii hore ee Maraykanka George Bush iyo Ra’iisal Wasaaraha Canada Justin Trudeau waanan uga mahad celinayaa

. Dadka dhaliilayaa waxaanay ogayn dadnimada Ra’iisal Wasaaraha” ayuu yidhi aabbaha dhalay wiilka shirkaddan hindisay.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA