Ramadaanta iyo Caafimaadka Qofka Sooman

Soonka bisha Ramadaan waa waajib, waa caafimaad uu jidhku u baahanyahay. Waxaan halkan kusoo bandhigeeynaa darasaad ama cilmibaadhis ay wasaarada caafimaadka dalka UK (NHS) ay ku sameesay sida ugu caafimaadka badan ee qofku u soomi karo.

Marka jirka uu gaajoodo, waxa uu bilaabaa inuu gubo baruurta si uu usameeyo tamar ama enerji . Tani waxay keeni kartaa in miisaanka qofka uu yaraado. Si kastaba ha ahaatee , haddii waqti dheer aad sooman tahay jidhku waxa uu bilaabaa inuu isticmaalo enerjiga muruqyada, taas oo caafimaad daro keeni karta.

Dr Razeen Mahroof , dhaqtar ka shaqeeya jaamacada Oxford , ayaa sheegay in ay jiraan xiriiro adag oo u dhexeeya cuntada iyo caafimaadka.

Waxa kaloo dhakhtarkani sheegay in cunida cunto badan marka la afuro ay keeni karto miisan kaaga oo kor u kaca. “Cunatada aad ku afurto ama suxuurta waxa fiican in ay kakoobantahay wax yaalo kala duwan sida”:

 

  • Kudhaarta bisil iyo kuwacayriin
  • Kimis, rooti iyo baradho
  • Hilib, kaluunamawax yaabaha la mid ah
  • Caano iyo wax yaabaha caanaha ay kujiraan
  • Cunatada ay kujiraan sonkorta iyo dufankalaakiin cayiman

 

 

Faalo Ka Dhiibo

comments