Raxmada iyo Kalgaceylka Qoyska Iyo Halka Laga Helo: Gabadha Raalliyada Dhabta Ah Iyo Ficilada AayKu Dhaqanto. | Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wan…

Waa Muhiim in Qoyska Muslimka ah ahaado mid is jecel iskuna kalsoon waxaana Shareecada
Islaamka Jaceylka labada Isqabtaa ku tilmaantay inuu yahay mid kamid ah labada tiir ee ugu waa weyn ee Qoyska ku taagan yahay kuwaas oo kala ah Raxmada iyo Kalgaceylka, hadii labadaas tiir midkood la waayo amaba labadaba aysan jirin suura gal ma aha in

famlyyyy

Qoyskaas dhisnaan karo asagoo faraxsan nabadna qaba.
Sidaa darteed si loo kobciyo Jaceylka labada isqabtaa loona abaaro halka laga
kobcin karo ugu wanaagsan inuu ka kabco ayaa shabakada hawraar.com kuusoo
gudbineysaa waxaa Xilka koowaad ee Kobcinta Jaceylka saaran yahay Gabadha
Reerka Hooyada ka ah maadaama ay wax badan ka gali karto arintaas waxaana
looga baahan yahay inay ilaaliso Qodobadan soo socda:
1- Inay Allaah iyo Rasuulkisa Adeecdo oo ay ahaato Saalixad Hanuunsan.
2- In ay Nafteeda iyo Maalkiisa u dhowrto haduu Xaaskeeda joogo ama maqan
yahay.

aroos
3- Inay ka farxiso haduu ka eego Naf ahaan ama jir ahaan.
4- Guriga inaysan ka bixin asaga oo Moog ama anaan fasaxin.
5- Inay mar kasta u dhoolo cadeyso.
6- In ay Saygeeda uga Mahad noqdaa Ixsaan kasta iyo Galad kasta oo uu u gala
ha yaraato ama ha weynaato.
7- Marka ay dan ka leedahay inay la eegato xili Munaasab ah islamarkaana Hab
wanaagsan ku weydiisato si uu ugu farxo dalabkeeda, kana digtoonaato inay
weydiisato wax ka badan tabartiisa, waa inaysan si joogta ah wax u weydiin
8- In ay dabeecadeeda wanaajiso marka ay la hadleysa Seygeeda ama
. 9- Hadiiba ay wax khilaaf ah dhaxsadaan waa inaysan la doodin codkeedana kor
u qaadin, waayo raga ma jecla naagta Qeylida badan ama codka dheer.
10- Inay ku Sabarto haduu faqiir yahay, ama uu Bukoodo.
11- In ay ku boorisaa inuu qaraabadiisa Xeriirkooda wanaajiyo Gaar ahaan
Labadiisa Waalid iyo Xigtadiisa waayo arintaas saameyn wanaagsan ayay ku
yeelataa.
12- In ay Caruurteeda ku barbaariso Jaceylka Ilaah [Cw] iyo Rasuulka [Nabad iyo
Naxriias korkiisa Alaha yeelee] bartaana Xushmeynta Aabahood.
13- In ay kaalin ku lahaato faafinta wanaaga, Arageeda Laabto marka ay
banaanka dan ugu Baxeyso, kana fogaato Kibirka iyo Isjaljaleecinta Dumarka
qaarkood Caadada u ah.
14- In ay ogaato inuu Seygeedu yahay Hogaamiyaheeda gaarka ah kuna
Ixtaaramto Go’aanada uu goosto, ayadoo wanaaga kula talineysa kuna
Caawineysa Fulinta Go’aanadiisa lana talisaa si wanaagsan.

15- In ay Ogaatahay in Ninkeeda Dadka oo dhan uga xaq weyn yahay, xataa
Labadii waalid ee dhashay una Muujisaa inuu darajadaas u heyso.
16- Hadii ay gaf ka gashaana waa inaysan ka labalabeyn inay qaladkeeda qirataa
kana raali galisaa si dagdag ah inta aysan dad kale maqal, aydoo ka qancineysa
Sababaha ku kalifay gafka kana Codsaneysa inuu ka cafiyo.

17- Inaysan u diidin Seygeeda Rabitaankiisa Gogosha ah goorta uu doono iyo sida
uu doono inta Shareecada u ogashay.
18- In ay ku Dadaasho nadaafada jirkeeda Dharkeeda iyo Gurigeedaba oo aysan
Xaqiisa kaga mashquulin howlaha Caruurta ama Guriga ay ka qabato.

19- In ay ku Adeecdo Amar kasta oo aan khilaafsaneyn Shareecda Islaamka.
20- Hadii ay galad ninkeeda u gashana waa inaysan ku dhibin galadeysi.
21- Inaysan Soomin Soon Suna ah asaga oo aan u ogolaan ama aanan wargalin.
22- Waa inaysan Qofna u ogolaan inuu faragaliyo arimaha Qoykeeda.
23- In aysan Furiin ka dalban marka ay carooto.
24- Xishoodka waa inaysan marna ka tagin Hadii ay faraxsan tahay ama
Xanaaqsan tahay.
25- In aysan Qaabka ay ula dhaqanto iyo habka ay kula Jiifsato ninkeeda Dumar
kale kala Sheekeysan.
26- In ay Dhib oo dhan ka ilaalisaa Ninkeeda isuna arkaa markuu Gurigiisa dhex
joogo Boqor qasrigiisii jooga oo kale.
27- In ay la kaftantaa lana Ciyaartaa inta badan markuu la joogo si uusan marti
oo kale ugu ag ahaan.
28- Hadii ay Dabeecadaha qaar ku dhibsataa in ay u sabarto ayadoo ku
tixgalinaysa Dabeecadaha uu ku wanaagsan yahay; mana jiri qof kaamil ah dadka
Manta joogaa. 29- In ay daraaseyso Cunooyinka uu jecel yahay iyo Hadalada uu
jecel yahay si ay ugu soorto.

30- In ay dareensiiso inuu qiimo weyn ugu fadhiyo aydoo Ixtiraam badana u muujineysa una duceyso haduu jooga iyo asagoo maqanba.

31- In ay ku sagootiso hadalo wanaagsan marka uu guriga ka baxayo, kuna soo
dhaweysaa weji furnaan ayadoo u diyaarineysa wax uu ku daal gooyo markuu gurigiisa yimaado.
32- Haduu hadlayo inay dhageysataa ayadoo aamusan, si y ugu muujiso tixgalin.
33- In hadalkeedu yaraado, waxaana la yiraahdaa haduu Hadalku Qiimo ahaan
qalin yahay Amuskuna waa Dahab.

34- In ay fiiro u yeelato Labiskiisa si aan loo arag asagoo basaasan ama wasaq ka muuqata.
35- In aysan la saxiibin Haween kale kuna ekaato Gurigeeda iyo Meelaha
wanagsan ee Cilmiga ay ka baraneyso.

Tilmaamahan aan soo sheegay inta badan labada dhinacba waa ka dhexeeyaan waayo Gabadha waxa ay Xaq u leedahay sida ninku Xaq u leeyahay oo kale,

laakiin waxaa jira Xuquuqo Ragu gaar u leeyhiin sida Masuuliyada Reerka ugu
sareysa iyo Maamulka Guud maadama Illaah ku Dheeraadsiiyay Raga iyo ayaga
oo Xil gaar ah ka saran yahay Masruufka iyo Marashada Reerka oo dhan.

abdiqani gadari
suxufigadari@gmail.com

Leave a Reply

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com