Rayiisle Diiday Inuu U Shaqeeyo Raysal Wasaaraha Ingiriiska

Timo jare la jaar ah guriga uu degan yahay raysal wasaaraha Ingiriiska David Cameron, ayaa diiday inuu timaha ka gaabiyo wiil yar oo uu raysal wasaaruhu dhalay, kaas oo uu Cameron u keenay ka dib markii rayislihiisi gaarka ahaa uu ka cudur daartay hawlo shaqo oo uu ku jiro awgeedna ugu iman kari waayay.

545239fc611e9bb2558b45daSida wakaaladaha wararku baahiyeen, Raysal Wasaare David Cameron iyo masuuliyiin tiro badan oo ka mid ah, wasiirada Dalka Ingiriisku, waxa caadiyan u xiira timaha rayisle gaar ah oo ay bishii lacag siiyaan, kaas oo aad uga caan ah dalka Ingiiriska, marka uu timaha ka xiirayana ugu yimaada, Salon ku yaala qasriga Raysal Wasaaraha ee Down Street.

Laakiin timo jarahaas gaarka ah ee Madaxda iyo maal qabeenada dalkaas waxa uu ka cudur daartay inuu guriga Raysal Wasaare Cameron yimaado, isaga oo sheegay inuu ku jiro hawlo shaqo, haddii raysal wasaaruhu ka maarmi waayana ay la gudboon tahay inuu yimaado salon-kiisa oo meel aad uga durugsan ku yaala.

Haddaba markii xaaladaasi la soo deristay ayuu Raysal Wasaare David Cameron Go’aansaday Inuu geeyo rayisle la jaar ah ama meel aad ugu dhow ku yaala, hasa yeeshee isaga laftiisa ayuu kala kulmay xaalad kale oo ka daran tii hore, ka dib markii mulkiilaha rayis lahaasi u sheegay in aanu haleelayn timo ka gaabinta wiilka yar ee Raysal Wasaaruhu dhalay.

Cameron ayaa isku dayay dhawr jeer inuu rayislaha ku qanciyo inuu timaha u gaabsho wiilkiisa yar, laakiin timo jarahan ayaa deg deg ugu sheegay in tiro badan oo macaamiisha joogtada ahi u fadhiyaan, kuwo kalana balan san yihiin oo telefoonada ka sugayaan, sidaa awgeed aanu haleelayn, wax feebar ama asxaan ahna aanu u samayn Karin.

Sababtoo ah? Raysal Wasaaruhu macmiil uma ah wax xidhiidh ahna ma laha, sidaa awgeed waxa uu Rayislahani u sheegay Cameron in aanu kursiga ku daalin ee meherad kale oo uga xiirta wiilkiisa yar raadsado.

Cameron oo waji gabax ka muuqdo ayaana sida wararku sheegayaan halkaas ka huleelay, waxaanay dantu ku khasbaysaa inuu iska sugo timo jarihiisi gaarka ahaa inta uu shaqada soo dhamaysanayo, taas oo culays badan ku ah, suura galna ka dhigi karta in wakhtigu ku dheeraado.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply