Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Dantu Ku Kaliftay Inuu Isagoo Degta Ku Sita Iskuulka Geeyo Gabadh Yar Oo Uu Dhalay Shadana Kaga Habsaamay

cameron5Raysal wasaare David Cameron, ayaa subaxnimadii Arbacadii jidka wayn ee badhtamaha London gaar ahaan ka taga xafiiskiisa lug ku dhex hadaafay, isaga oo gabadha yar ee uu dhalay degta ku sita, waxaanu gabadhan yar oo lagu magacaabo Florence geeyay dugsi barbaarinta carruurta ah oo ay wax ka barato.

In kasta oo aanay ahayn markii koowaad ee Raysal Wasaare Cameron qaado gabadhiisa ama mid ka mid ah carruurtiisa, haddana waxa ay subaxnimadaas ku noqotay qaar badan oo ka mid ah dadkii ka shaqo tagayay jidkaas, muuqaal ka yaabiyay oo soo jiitay kuna khasbay in ay la boobaan sawiro ay kaga qaadayaan, aalahadooda gacanta lagu qaato sida iPad-yada iyo telefoonada.

Muuqaalada sawirada ay dadwaynihii jidkaas ka shaqo tagayay ka qaadeen Raysal wasaaraha ayaa muujinaya, Raysal Wasaare Cameron oo gabadhaas yar mar degta ku sida, marna xambaarsan, waxa kale oo raysa wasaaruhu gacanta labaad uu ku siday, qalabka carruurtu ku ciyaarto ee loogu yeedho afka qalaad, [Scooter].

cameron6Sawirada dadkii jidka marayay ka qaadeen Raysal Wasaaraha Ingiriiska ayaa muujinaya Raysal Wasaaraha oo ay ku ciyaarayso, gabadhaas sadex jirka ah ee uu dhalay, taas oo wajigiisa sida ay doonto marba u qab qabanaysa, hasa yeeshee waxa uu muujiyay inuu yahay aabe wanaagsan.cameron7

Raysal wasaaraha ayaa markii uu geeyay gabadhaas yar dugsiga ka dib isaga oo lugaynaya dhidid badana ku yaalo wajigiisa toos u tagay xafiiskiisa shaqada, halkaas oo laba daqiiqo uu ka habsaamay wakhtigii uu shaqada caadiyan u geli jiray, waxaanu gabadhii xaadiriska qaabilsnayd ka hor sheegay cudur daar uu ku codsanayay in lagaga dhaafo labada daqiiqo ee habsanka uu yahay.

 

Leave a Reply

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com