Mid ka mid ah Taageerayaasha Kooxda Kubada Cagta ee Realmadrid ayaa waxa uu aad uga murugooday khasaarihii kooxdiisu ay kala kulantay Ciyaartii Kalaasikada ee dhacday maalintii ay bishii December ahayd 23.

Wakaaladaha wararka ee Dalka Spain ayaa waxa ay shaaciyeen in mid ka mid ah taageerayaasha kooxda Real uu arrin aad u la yaab badan ku kacay kadib markii uu ka murugooday guul darada kooxdiisa .

Taageerahan ayaa ayaa waxa uu u dhashay Dalka Romania waxa aanay da’diisu tahay 70 jir waxa aanu ciyaartaasi kadib Dab qabadsiiayay gurigiisii .

Nasiib wanaag waxa ninkaasi soo gaadhay dadkii dariska la ahaa oo bakhtiyay dabkii uu qabadsiiyay gurigiisa,waxa aanu ninkaasi sheegay in uu ogyahau waxa uu sameeyay isla markaana aanu ka murugoonayn maadama oo uu kooxdaasi aad u taageero oo uu dhiigiisa u huriyo taageeradaasi awgeed.

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA