RUMAYSO AMA HA RUMAYSAN.! QOF KASTA WAXAA WEJIGIISA KU DUL NOOL, NOOLE ILI-MA-ARAGTAY AH OO 8 LUGOOD LEH

Waxa ay daraasaddani ka dhawaajisay in qofku aanu la soo dhalan noolahan, balse waxa uu wejiga ku dhashaa mar dambe
“Qof kasta oo qaan gaadh ah waxaa wejigiisa iyo madaxiisa ku nool xayawaan (Noole) siddeed lugood leh” Laakiin sida ay xaqiijisay daraasad casri ah oo dhowaan natiijadeedu soo baxday, noolahaas
dhumucdiisu waa ay ka yar tahay qiyaas isha oo keliya lagu arki karo, oo waxa ay u baahan tahay weynayso
takhasus ah. noolahani waxa uu deggen yahay salka timaha (Halka ay tintu ka haysato madaxa), waxa aanay sida
kalluunku biyaha ugu dabbaasho ugu dhex dabbaashaan dufanka (Saliidda) uu soo daayo maqaarka aadamaha oo
xayawaankani inta uu le’eg yahay marka loo eego uga dhiganta sida badda.

Noolahan ili-ma-qabatayga ah waxaacilmi ahaan lagu magacaabaa Demodex, waxa aanay abuur ahaan qaraabo la yihiin caarada.
Waxa ay daraasaddani ka dhawaajisayin qofku aanu la soo dhalan noolahan, balse waxa uu wejiga ku dhashaa mar dambe oo ka mid ah nolosha qofka, in kasta oo aanay
saynisyahannadu illaa hadda si dhab ah u garanayn sida uu ku dhasho, goorta uu ku dhasho iyo halka uu asal ahaan kaga yimaaddo, waxase
ay caddaynayaan in dhalashada noolahani wejiga ku dhalanayaa aanay wax xidhiidh ah la lahayn nadaafadda qofka. Si kasta oo uu qofku u
daryeelo nadaafadda jidhkiisa iyo timihiisa haddana waxaa qasab ah in uu noolahani ku dhasho, waqtiga la filayo in uu dhashaana waa marka
uu qofku da’da carruurnimada ka gudbo, ama marka uu weli jaqayo naaska hooyada sida ay aragtiyaha qaar qabaan.
Arrinta cusub ee ay qormadani inoo sheegaysaa ma’aha jiritaanka noolhan, waayo cilmiga caafimaadku muddo
tobannaan sano hadda laga joogo, gaar ahaan sannadkii 1842kii ayaa uu ogaaday in uu noolahani ku dhaqan
yahay wejiga iyo timaha aadamaha rag iyo dumarba, laakiin waxa cusub ee ay cilmibaadhistan uu wargeyska
Geeska Afrika ka soo xigtay majaladda PLOS One cadadkeedii khamiistii dorraad 4tii Bisha Sagaalaad 2014ku waa
in cilmibaadhayaashani ay xaqiijiyeen in uu noolhani ku nool yahay wejiga iyo/ama timahaha qof kasta oo da’diisu
ka weyn tahay 18 sano. Noolahani waxa uu quutaa saliidda iyo dufanka ka soo baxa daloolka maqaarka madaxa ee
tintu ka soo baxday, iyada oo timaha qofka keliya lagu qiyaasaa 5 Milyan oo xabbo.
Culimada sayniska ee u kuur gashay noolahani waxa ay illaa hadda ogaadeen 63 nooc oo ka mid ah noolahan oo
ku nool gunta hoose ee timaha qofka iyo wejigiisa gaar ahaan agagaarka indhaha iyo sidoo kale dhogorta
xayawaanka naasleyda loo yaqaanno, oo ay ka mid yihiin eyda iyo bisadaha, warka fiicanina waxa uu yahay in aanu
noolahani sida badan wax cudurro ah ku keenin noolahan kale ee uu ku dul nool yahay. In kasta oo ay jiraan
noocyo kale oo ka mid ah noolahan oo cudurro keena, waxaana ka mid ah kuwa ku nool boodhka dhexdiisa,
qolalka hurdada, gogosha iyo go’yaasha, kuwaas oo inta badan qofka ku keena xasaasiyad, gaar ahaan carruurta,
waxaana ka mid ah kuwa dhaliya xiiqda. Noolahani ma’ laha hab-dhiska dheefshiidka ee xayawaanka badankooda
lagu yaqaanno, cuntadiisuna waa saliiddaa iyo dufanka jidhka (Maqaarka) ku kaydsan, dufankaas ayaa uu aad u
cunaa, isaga oo aan sida noolaha kale samaynayn wax qashin qub ah, (Saxafo iyo kaadi), marka uu dhintana,
noolahani waa uu qarxaa, kadib saliiddii iyo dufankii ku kaydsanaa gudihiisa ayaa mar labaad dib ugu daadata
(Faafta) maqaarka.
Suxufigadari@gmail.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply