Fikirka da yarta qaar ayaa waxa uu yahay mid aad u la yaab badan waxa aanay qaarkood ku fikiraan arrimo aad ula yaab badan isla markaana ay isku dayaan in ay waalidkii dhalay ee soo koriyay ay dhib gaadhsiiyaan.

Wiil u dhashay Dalka Ruushka ayaa waxa uu isku dayay in uu marar dhawr ah khaarajiyo labadiisii waalid oo hanti aad u badan iyo gabadh yar oo la dhalatay oo toban jir ah balse labadaasi jeer ba waa ay ka fashilantay .

Willkan oo warbaahinta dalka Ruushku aanay baahin magiciisa ayaa waxa uu baraha bulshada baryaahaba ku baahin jiray in uu u baahanyahay cid ka caawisa sidii uu baran lahaa dilalka qorshaysan ee aan la ogaan karin lana heli karin cisa fulisay .

Wiilkan oo ku nool magaalada Sochi ee Dalka Ruushka ayaa waxa uu ugu dambayn soo kiraystay askari kaasi oo uu kula heshiiyay lacag isla markaana uu u dajiyay qaabkii uu dilkaasi u fulin lahaa balse nasiib daro ka hor intii aanay dilkaasi fulin ayaa waxa fashiliyay ciidamada Amaanka kuwaasi oo wiilkii gacanta ku soo dhigay, sidoo kalana waxa ay ku daba jiraan askarigii uu wiilkaasi la heshiiyay oo baxsaday .

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA