Saacad Dagaalkii 2aad ee Dunida Hadyad Jacayl loo Bixiyey oo Lahelay

saacadan kasamaysan macdanta loo yaqaan Platanium oo naasigii Hitlar ay hadyad jacayl usiisay xaaskiisii Eva Braun, waqti lagu gudo jiray dabaal dagii sannad guuradeedii 27 naad ayaa lahelay iyadoon isbadalin .Saacadan oo magaceeda layidhaahdo Eszeha  waxaa laga helay meel uu sanadkii 1939 ku aasay Hitlar balse saacadan oo lanbarkeeda diiwaangalintu ahaa 86439 ayaa waxaa lagu  qariyey mac-rad taariikheedka lagu uruuriyo oo kuyaala magaalada Munich ee dalka Jarmalka .
Saacadan waxaa lga helay meel sikhaas ah loo gu urooriyo qablabka casriga ah oo Jarmalku uyaqaanaan Pinakothek der Moderne waxaana helay cilmibaadhayaal katirsan wargayska layidhaahdo Der Spiegel Magazine taas oo meel kulla kayd sanayd qalabkale oo ay lahaayeen saraakishii sar sare ee xisbigii Naziga.
Miss Braun waxay hogaamiyaha Naziga kula kulantay xarunta layidhaahdo Heinich Hoffman halkaas oo ay ka ahayd shaqaalaha caawinta howlaha dhinaca aqalkabalse waxay is jeclaadeen Hitlar iyo gabadhii sanadkii 1930.
Gabadhan uu aadka u jeclaa Hitlar waxay Qasriga Berlin nolasha kuwada qaateen ilaa uu dhamaanaayey dagaalkii 2aad ee dunida iyadoo is guursaday 29 April 1945 ka hor intii aanay labadoodu qudha so wada jira iska jarin maalintii ku xigtay si ay ugu badbaadaan in ay galaan gacanta ciidamada reer galbeedka Lamaanahan waxa uu xidhiidhkoodu soo shaacbaxay maalintii dhamaadka dagaalkii 2aad ee aduunka iyagoo guurkoodu maalintii uu dhacay maalintii ku  xigtay ay isdileen

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply