TAARIIKH NOLALEDKI FANAANADA SAADO CALI IYO SABABAHA LOO AANEYNAYO DILKEEDA

Tixraac Qormooyinkii horre ee Fanaaninta Somaaliyeed, Mu,alifiinta iyo Mulaxiniinta Bahdda Fanka Somaaliyeed ee Xurmadda iyo Sharafta weyn mudan, oo aan Qormo iyo Labo-toona lagu soo koobi kareen wax qabadkoodii iyo heerka aqoontada Sugaaneee iyo Xikmadeedba. Maanta waxaa Jeclaan lahaa in aan in yar ka taabta Habka Fanaaneed iyo Dadnino ee Xidigta Weyn ee Caanka ah-Cunaabeey-SAADO CALI WARSAMME, shaki kuma jirro in Magacaasu yahay mid si weyn loo wadda garanaayo mudo dheer eey maqlaateen dhegaha Dadweynaha Somaaliyeed Heesaha Badan ee Saadona si weyn loo Jecel yahay iyo qaabka Qurxoon ee Jilista

Riwaayadaha ee gaar u ah Saado, Balse waxaa Dadweynaha intooda badan ka qarsoon Dhanka Qof ahaaneed iyo Sifooyinka gaarka ah ee Saado Cali Warsamme, Waxeeyna ka Soo Jeedaa Degaamadda Taariikhda Weyn ee Wadaniyadda ah leh, Dhulkii Daraawiishtii Geesiyiinta ahaa, Saad Aabaheed Cali Guray ayaa ahaa Oday dhaqameed Xurmo iyo Qadarin ku lahaa Degaanka Buuhoodle iyo Guud ahaan Beelaha Reer Howdka. Fanka iyo Habka Luuqinya Wanaagsan ee Saado ayaa ah kuwo siinaaya Mudan gaar ahaaneed iyo in eey tahay Xidig weyn, Fanaanad Caan ah oo ka mid ah kuwa Safka Horre Sidda:- Marxuumadda Magool, Xidigta Sahra Axmed, Hibo Nuura, Baxsan, Khadra Daahir, Aamina C/Laahi, Faaduma Qaasim, Maan-deeq,iyo Seeynab Cigge, oo ah Fanaaniinta la oran karro kaa kuwo Safka Koowaad Dhinaca Haweenka, Saado waxeey ka soo qeyb qaadatay Riwaayado Badan oo Xiiso weyn lahaa, Sidda Riwaayadii Wadanigga aheyd ee uu Curiyeey Abwaan, Maxamuud C/Laahi Sangub ee Magaceedu ahaa-Xoriyo, oo Saado Cali ka aheyd Xidigta Koowaad kuna muujisay Xeeladeeda sarre iyo habka wacan ee Jilaanimo iyo Luqadeedda iyo Naaxiyadeeda Habka Heesaha, iyadoo aan marna la illaawi kareen Doorkii iyo Hanaankii Jilaa,eed e Xidgta Weyn- Feeynuus Sheekh Daahir. Saado Cali,

Waxeey sidii ku habooneyd u gudateey Masuuliyadda damiir iyo Dadnimo ee Dhanka Dalkeedda iyo Dadweynaha Somaaliyeed ka saarnaa Maadaama eey aheyd Fanaanad Heer Qaran ah, waxeey ka qeyn qaadatay Heesihii Wadaniga ah ee Wajigga Halganeed lagaa laguna dhaliilaayeey Hogaankii Rajiinkii Kacaanka oo Dhibaatooyinka Badan soo mariyeey Dadka Somaaliyeed, eeyna habooneyd ee Xukunka isbedel lagu Sameeyo, iaydoo eey jirtay Aragtidda ah in Hogaamiyuhu Caafimaad ahaan gudan karrin Masuuliyadda Weyn ee uu Qaranka u hayeey, Waxeey Saado Codkeeda Cajiibka ah ku soo bandhigtay Heesihii uu Curiyeey Abwaan- Cabdi Muxamud Amiin ee Tusaaleeyn iyo Tilmaanta ahaa, Waxeeyna ku Muteeysatay Xoriyad ka qaadid iyo Xarig Dowladii u Geeystay,

Dhanka Dadweynahana Xurmo iyo Qadarin weyn, Habka Wadaniyadda iyo Qiiradda Dal Jaceyl iyo Milgadda Gobeed ayaa ah Asali eey Saado ka Wadato Dadkeeda iyo Degaanka Taariikhda leh oo ilaa Hadda Hab Dhaqmeedkii iyo Hanaankii Asaliga aha ka Jirro, Xishoodka ayaa Milgo Astaameed u ah Degaamadaas Bilicdda San leh, Howga Geel iyo Xoolaha Hebada u leh(B u u h o o d l e). Saado Cali, Waxeey leedahay Sifooyin aad iyo aad u Wanaagsan oo eey Tixgelin weyn ku Mudan tahay Waxaana ka mid ah Tusaale ahaan:-1-Dad la dhaqanka(Waxeey si weyn u Xurmeeysaa Dadka gaar ahaan Fanaaniintii Somaaliyeed). 2-Ku Dadaali la socdka Xaaladda Fanaaniinta. 3-Xiriir Wanaagsan iyo Walaalnimo weyn oo eey la leedahay Bahdda Fanka. 4-Saado Waxeey Jaceshay in Fanaaniinta Yeelato Iska War qabid iyo Is Caawin. 5-Saado Waxeey Leedahay Hab Niyad Samid iyo Calool Wanaag. 6-Saado waa Qof Gacan Furan Dhina Deeqsinimadda. 7-Saado Hab Beeleed iyo Qabyaalad adeegidda ayaay Nadiif ka tahay, Waxeeyna leedahay Sifo Wadiniyadeed iyo Hanaan Qarameed. 8-Saado waa Qof Si Weyn u Naceeyb Dulmigga iyo Xaq daro Sameeynta, waa Tusaalooyin Yaer yer ah oo aan ka soo qaatay Sifooyinka Wanaagsan iyo Dadnimadda Xidigta Weyn ee SAADO CALI WARSAMME.

Iyadoo la wadda ogyahay Xaaladda qalafsan iyo dhibaatooyinka waaweyn ee ka jiray dalki somaliya iyo guud ahaanba Xaaladda Ummadda Somaaliyeed ku Sugan tahay oo ah mid si weyn looga xumaado ama looga naxo iyo Fanka Somaaliyeedna la qabaa Ummadda Dhibka iyo Dayaca weyn ee Meesha yaala, inkastoo Saado Dhoowr Heesood oo Wadiniyadda ku Saleeysan Tusaaleena u ah Ummadda Somaaliyeed Tirisay Hadan Saado iyo Fanaaniinta Dhigeedda ah(Rag iyo Dumarba) ma qaadan doorkii laga filaayeey, Hanuuninta iyo Wacyi- gelinta Ummadda Somaaliyeed, Anigoo Qormadan Gaaban soo Gunaanadaaya Waxaan oran karaa marka Xaqiiqadda dhabta ah la sheego Xidigta Fanaanadda Somaaliyeed SAADO CALI WARSAMME(Cunaabeey), Waa Xidig aan Qoraxi Qaran, waa Shakhsiyad Wadinimo weyn leh, waa Muwaadinad Dhab ah, waa Qof bani aadnimadda wacan leh, Dadweynaha Somaaliyeedna Xurmo, Qadrin iyo Tixgelin weyn u hayaan, Aniguna Salaan Qaali ah ayaan Halkan ugu Gudbinaayaa Xidigta Fanaanadda Somaaliyeed Saado Cali Warsamme, Nacam oo Nacam Wadaniyad Asal ah, Taariikhdda Ummadda Somaaliyeed Ayaa

Xusi Doonta Halka Saado kaga Qormi Doonto oo Khad Dahab ah lagu Xardhi Doono, Diiwaan aan Duugoobin ayaa la gelin doonaa Saado Cali, Maryan Mursal iyo Intii Dalkood Daacada u ahba. Abwaanada iyo Fanaaniinta ka bixiyey faalo ku saabsan shakhsiyada saado waxaa ka mid ah Saado waa Fanaanad ay dhab ka tahay somalinimada wadaniyada nafteedana u hurtay helitaanka xoriyad jacaylka qayb weyna ka qaadatay maansadii taxanaha ahayd ee Deeley ( Abwaan Adan Tarabi Jama London ) Saado waxa ay beri ka tahay ku dheel dheelka diinta, qabyaalada, xaaraanta, wa qof nadiif ah jecel walaalaynta fanka iyo isu hiloobida somlida

Fanaanada Kinsi X. aadan Caqaarta Hargysa   oo alah u naxariistii ka warbixisay intii aanay geeriyoon Tani waxa ay astaan u tahay burburka iyo baaba’a ay Somalidu ku sugan tahay Inla aflagaadeeyo la dhaleeceeyo hadba kooda magaca iyo sharafta leh saado waxa ay ugu mudan tahay Hobolada waaberi saado waa inan jecel xidhiidhka wanaagsan ee fanaaniinta iyo ka warhayntoodaba (Abwaan Ali Sugule London) Saado waxa ay tahay qof aan aqoon ulahayni ma sifaynkaro waana meelka dhac hubsiimo la’aan ah waan ka xumahay walaashayda qaaliga ah aflagaadada loo geystay waaberi ayuunbaa sheegi kari saado waxa ay tahay saado cali waa wadaniyad dad jecel Taageerta ka tabaalaysan jecel

bahwadaaga fanka, waa hooyo sharaf leh ( Fanaanada Maryan Mursal Ciise London) Aflagaadada logaystay saado cali waxa ay lamid tahay mid aniga laygeystay waayo waa walaahsay oo weliba ka mid ah fanaaniinta somaliyeed kuwa ugu mudan waxaan runtii ecelahay in aan walaashay u muujiyo in aan ka xumahay taas magaceedana u ka waynyahay eedayntaas (Fanaanada Nimco Yaasin Caraale London) Qiimihi dalkaygaay

Quruxdii dadkaygaay Qaalintii fankaygaay   Qumantii haweenkee Loowada qushuucaay Maalintay qadhaadhayd Midaan qarin codkeedee Bulshadeeda qaayaa Qumaatiga uraacdaay Anaa kugu qadariyee Qof qaldani tixgelin waa Taariikhda qanigaa Inaad buug ku qorantahay

guntii iyo gaba gabadi saado cali warsame waxa maanto taariikhdu ahayd 23/07/2014  25 bishi ramadaan dil foolxun loogu gaystay magalada muqdisho xili ay ka baxaysay gurigeeda saado oo ka tirsanayd xildhibaanada dowlada  fadaraalka somaliya ayaa wararka soo baxaya hada ay sheegay in dilkan ay ka danbeeyen kooxo ka xanaaqsana hees ay qaaday oo ay ugu hiilinaysay dadka masaakinta ee gobalka shabeele ee wadankaasi somaliya lagu xasuuqay  taaso loo aanaynayo kooxo iyagu dil ula kaca oo  badheedha u dilay fananda qaran iyadoo dilka saado cali dowlada maraykanka  somalida  iyo dhamaan dadka af somaliga ku hadlaana si wayn uga naxeeen ugana murugooden  sida foosha xun ee  fananda qaran ee birmagaydada ah  loogu dilay muqdisho  saado oo ahayd qof had iyo goor u dooda dadka la dhibo ama tacdi loogu gaysto somalida dhaxdeeda ayaa heesteedi ugu danbasay ee lagu dilay waxaad ka daawan karta hoos laba muqaal  waraysigi udanbeeyay saado iyo siduu dilkeedu u dhacay

cabdiqani hasan farah ( Gadari) suxufigadari@gmail.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

3 Responses to TAARIIKH NOLALEDKI FANAANADA SAADO CALI IYO SABABAHA LOO AANEYNAYO DILKEEDA

  1. M'dina says:

    Qofki maqaalkan qoray miyaanu ogayn inay fanaanadi (Kinsi Xaji Adan Caqaarta) Allah Naxaristi Jannah ha ka warabiye ay ka horaysay fanaanda Saado Cali Warsame kana hor dhimatay, Allah haw naxariisto labadoodaba…Waayo maqaalka waxa ku jirta qayb aad leedahay waxa ka waramaysa Kinsi taarikhda Fanaanada Saado! Waxaan odhan lahaa qoraaga maqaalku inu iska saxo dib ugu noqdo xog baadhkisa

Leave a Reply