Salman Khan Oo Wacdaro Ka Dhigay Tartanka Mootooyinka Halista Ah

Super Star Salman Khan, ayaa shalay wacdaro ka dhigay tartanka Ficilada halista badan ee Mootooyinka, kaasoo ka dhacay magaalada Mombai.

Tartankan oo ah mid halis ah, marka loo eego  ficilada lasoo bandhigayo, ayaa Salman wuxuu mootada ku waday hareeraha tartanka ka socday, waxaana mar qura goobta is qabsaday sacab.

Aras Gibieza, oo ah ninka tartanka Mootooyinka Ficilada halista ah ku caan baxay, islamarkaasna 2 mar kusoo guuleeystay tartanka Qaarada Yurub, ayaa goobta ku sugnaa.

“Waxeey ahaan doontaa dhacdadii iigu xasuusta wacneyd, waayo shakhsi caan ah (Salman Khan) ayaa ficilo halis ah hortiisa ku sameeyay” ayuu yidhi Aras Gibieza.

 

Faalo Ka Dhiibo

comments