Dad badan oo dunida ku nool gaar ahaana da yarta ayaa waxa ay aad u xiiseeyaan in ay galaan sawiro xasuus u noqdo balse nasiib daro qaar ka mid ah ayaa sawirkaasi u galaaftaa nooloshooda.

Samsun

 

Sawirada Selfiga ayaa waxa ay galaafteen noolosha dad tira badan ,sababtuna waxa ay tahay in dadkaasi ay isku dayaan in ay sawirada Selfiga ah ku galaan goobo halis galinaya naftooda.

Haweenay u dhalatay Dalka Thialand ayaa waxa ay isku dayday in sawir ki gasho mid ka mid ah wadooyinka u gaarka ah tareenada ee Dalkaasi laakiin nasiib daro gabadhaasi waxa jiidhay Tareen soo maray xili ay wadadaasi dhex jiifsatay iskuna diyaarisay in ay sawirka iskgabadhaasi waxa magaceeda la odhan jiray Waililak Sokoma waxa aanay da’deedu ahayd 28 jir,gabadhaasi ayaa waxa ay goob u dhaw wadada tareenka ee Samsun kuna taala caasimada Dalkaasi .

Ciidamada Billayska dalkaasi ayaa waxa ay sheegeen in gabadhaasi ay jeclaystay in ay gasho sawir tareen ka muuqdo laakiin nasiib darro waxa jidkaasi si kadis ah u soo maray tareen kaasi oo lugta ka jaray gabadhaasi, intaasi kadib ay ciidamadu si degdeg ah u geeyeen dhakhtarkii ugu dhawaa halkaasina ay ku geeriyootay.

Sawirkaasi Selfiga ah ayaa waxa uu galaaftay noolosha Gabadhaasi,gabadhaasi ayaa waxa la sheegay sidoo kale in xiliga ay asxaabteeda wada joogeen ay cabayeen maandooriye kaasi oo sabab u noqday in qaadato go’aankii ahaa in ay isku dhex sawirto wado uu tareen marayo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA