Sawirada Fiilooyinka Iyo Baabuurta Cashuurtooda Loo Haysto Lionel Messi

560_lionel

Ciyaar yahanka reer Argentina isla markaana weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee dalka Spain Lionel Messi ayaa mar kale ay ku bilaabantay, dacwad ka dhan ah oo ay ku soo oogayso Maxkamad ku taala dalka Spain taas oo la xidhiidha cashuuro uu la baxsaday.

lionel-(6)

Sida wakaaladaha wararka dunida intooda badani qoreen saacadihii ugu danbeeyay, waxa Lionel Messi, loo haystaa cashuur uu kala baxsaday dalka Spain, taas oo sida uu sheegay ay ka wada qayb qaateen isaga iyo waalidkii.

560_maserati

Messi oo sanadkii mushahar u qaata 64-Million oo dollar waxa kale oo uu lacag tiro badan ka helaa laba guri oo fiilooyin ah oo uu ku leeyahay, degaanka Catalonia ee dalka Spain, dhawaana waxa uu shaaca ka qaaday inuu dhisanayo guri qasri ah oo aad u qurux badan.

 

Dhisme aad looga shaqeeyay oo uu ku raaxaysto Lionel Messi ayaa waxa u dhex yaala shan gaadhi oo iyaguna ah kuwa lagu tamashleeyo ee dunida ugu qiimaha qaalisan.

 

Garsooraha Maxkamada ee dacwadan ku soo ogaysa Messi ayaa sheegay in ninkaasi la baxsaday cashuuro tiro badan, waxaana haddii sida maxkamadu wadaa suuro gasho uu Messi mudan doonaa ganaax iyo lacag tiro badan oo laga qaadi doono.

lionel-(2)

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply