Dadka aadka u jecel in ay galaan Sawirada Selfiga ayaa waxa ay jecelyihiin in ay galaan sawiro aad u qurxoon waxaanay dadkaasi haatan camireen goobaha ay ka hawl galaan dhakhaatiirta fuliya qaliinada lagu qurxiyo wajiga .

Dhakhtar ka hawl gaka dalka Maraykanka gaar ahaan NewYork oo magiciisa la yidhaahdo Boris Baskover ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan dad yaryar oo jecel in ay wax ka badalaan qaabka uu wajigoody u eegyahay waxa aaanay jecelyihiin in ay la xidhiidhaan dhakhaatiirta qurixya wajiga .

Dr Boris ayaa waxa uu yidhi ” Waxa jira dad ay da’doodu ka yartahay 40 jir kuwaasi oo ka cabanaya wajigoodu sida uu u eegyahay,waxaanay dadkaasi kor u qaadeen suuqyada Dhakhaatiirta wax qurxiya”.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA