Sawirka Caawa: Daawo Dhacdooyinka Maanta Saamaynta Ku Yeeshay Dunida 30/11/2015

Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso.

 

Gabdho degan Kashmiir oo gurigooda usoo labanaya kadib markii caleemo geed kasoo dhacaya ay kasoo gurteen magaalada Ajas oo 52 KM waqooyi kaga beegan bariga Srinagar oo ah qeybta India ay ka maamusho Kashmir.

 

Daanyeero cunaya miro saaran saxan uu hayo Yongyuth Kitwattananusorn, kadib munaasabadda cunto cunista daanyeerada oo ka dhacaday magaalada Bangkog ee dalka Thialand.

 

Banaanbaxe Falastiini ah oo dhagax ku tuuraya ciidamada Israel, kadib isku dhac ka dhacay magaalada al-Bireh ee duleedka magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed.

 

Wiishashka dabaqyada lagu dhiso oo laga arko meel dhisme uu ka socdo xilli ceeryaamo xun ay ka jirto magaalada Ci’an ee gobolka Shaanxi ee dalka China.

 

Boqolaal joog oo kabo ah oo la dhigay fagaaraha la Republique ee magaalada Paris, ayada oo lagu muujinayo astaan nabadeed xilli hogaamiyayaasha caalamka ay magaaladaas u tageen shirka cimilada adduunka.

 

Dibad-baxayaal tuuraya banooni qariiradda caalamka oo kale loo ekeysiiyey, intii uu socday banaan bax lagu qabtay magaalada Roma, ka hor shirka cimilada adduunka ee ka furmay magaalada Paris.

 

Dad diidan saldhigga ciidamada Mareykanka oo wata boorar ay ku qoran yihiin “Maya saldhig ciidan oo cusub, magaalada Henoko”. Banaanbaxan ayaa ka dhacaya magaalada Tokyo ee Japan.

 

Boqolaal qof oo ka qeyb-galaya cayaar jimicsi, si loogu xuso maalinta AIDS-ka, Jaamacadda Guilin ee gobolka Guangxi Zhuang ee Shiinaha.

 

Fardo taagan meel baraf badan uu ka da’y, magaalada Perthsire ee Scotdland.

 

[yuzo_related]

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com