Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso.

Diyaarad hallowday oo taalla meel daadad badan ay kusoo rogmadeen, gobolka Chennai ee dalka India.

Caruur Hindi ah oo loogu labisay sida aas-aasihii dalkaas Mahatma Gandhi, si ay sare ugu qaadaan fikradihiisa.

Lamaane iyo eygooda oo eegaya badda, meel u dhow magaalada Lausanne ee dalka Swtizerland.

Askari isku dayaya inuu nin ka horistaago inuu dabbaasho kadib markii uu soo galaya dooxada West Lakes oo aan dabbaasha loo ogoleyn ee, gobolka Zhejiang ee Shiinaha.

Sarkaal booliis ah oo qori dhulka kasoo qaaday, intii ay soceen baaritaano kadib weerar lagu dilay 14 qof oo nin lagu magacaabay Syed Rizwan Farook uu ka fuliyey magaalada San Bernardino ee gobolka California.

Babauur ay saaran yihiin ciidamo oo imanaya goobtii weerarka lagu dilay 14-ka qof uu ka dhacay magaalada San Bernardino ee gobolka California.

Dad kala cararaya kadib markii bam gaas ay qaraxday, xilli ay isku dhaceen dibadbaxayaal iyo booliiska, magaalada Athens ee dalka Greece.

Tartamayaal dabbaal oo ka qeyb-galaya tartan ka dhacaya magaalada Federal Way ee gobolka Washingon ee dalka Mareykanka.

Ciidamada loo yaqaan Thai Royal Guards ee dalka Thailand oo dhoolatus sameynaya.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

1 COMMENT

Comments are closed.