Sawirrada diyaaraddii Masar oo la soo bandhigay

Milatariga dalka Masar ayaa soo bandhigay sawirrada burburkii diyaaradda EgyptAir ee tirsigeedu ahaa MS804 ee maalintii Khamiista ahayd burburtay.

Diyaaradda ayaa ka soo duushay magaalada Paris, waxa ayna ku sii socotay magaalada Qaahira.

Dhammaan 66 qof ee saarnaa diyaaradda ayaa shilkaasi ku dhintay

Sawirrada hadda la soo bandhigay ayaa muujinaya kuraastii diyaaradda, jaakadihii badbaadaya iyo waxyaabo kale oo aad u gubtay.

Mar sii horreysay ayaa baarayaal ka socda dalka Faransiiska ayaa sheegay in qiiq laga dareemay qaybo badan oo diyaaradda ka mdi ah ka hor inta aysan burburin.

BB B

Faalo Ka Dhiibo

comments