Saxafiyad habaartay Mujaahidiinta Qaza Ee Xamaas una Duceysay Yuhuudda oo si kedis ah Ale SW jawaab Degdega ka heshay kadib cadhadi ale u geeriyootay

Saxafiyad u dhalatay dalka Masar isla markaana ku caan baxday nacaybka dadka Reer Filistiin ee xornimo u dirirka ah iyo Ururka Islaamiga ah ee Xamas ayaa lagu soo waramay in si kedis ah ay ugu geeriyootay magaalada loo dalxiistago eee Al-Cayn Sakhanah ee ku taala dalkaasi Masar xilli halkaasi ay u joogtay dalxiis iyo tamashleyn.

Suxufiyaddaan oo lagu magacaabo Aza Sami ayaa iyadu ahayd ku xigeenkii wargeyska Al-Ahram, oo ka mid ah wargeysyada ugu waaweyn uguna magaca dheer ee ka soo baxa waddanka Egypt sidoo kalena waxay madax ka ahayd waaxda baadhitaannada, waxayna horey ugu shaqayn jirtay wakaaladda wararka ee Sharqal Aawsat.

Aza ayaa duco iyo amaan isugu dartay raiisalwasaaraha dalka Israil Ntanyahu iyadoona xilligii uu ku guda jiray hawlgalada ka dhanka ah ururka Xamas iyo duqeynta uu u geystay shacabka Filistiin, waxayna tiri,”Khayr badan hel Ntanyahu ilaahay ayaan ka baryayaa in la helo kuwa adiga oo kale ah si ay u dhameeyaan una laayaan Xamas,oo ah urur ,musuqmaasuq badan,Khiyaana badan,dabadhilifna u ah Akhwaanka”,kuwaasna waxay ahaayeen hadalladii sharta watay ee ay tiri haweeneydaan suxufiyadda ahayd ee geeriyootay.

Haweeneydaan aya muujisay taageerada ay u hayso Ntantahu iyo guaadka uu ku hayo shacabka Filistiin iyadoona ka soo horjeesatay isdifaacidda ururada Islaamiga ah ee Xamaas ay ka mid tahay .
“Fadliga bisha barakaysan (Ramadaan) waxa aan Alle kaga baryayaa in uu si adag u qabto Xamaas iyo dadka taageera iyo cid kasta oo jecel” kuwaas waxay ka mid ahaayeen hadalo ay barteeda Facebook soo dhigtay haweenydaan lagu magacaabo Aza Sami, waxaa caado u noqotay in ay weerar qoraal ah iyo mid afka ahba ku qaaddo shucuubta reer Filistiin.taaasoo ay caan kaga noqotay barta xiriirka Bulshada ee Facebook.

Hadallada Aza qortay waxaaa aad u ga xumaaday shacab badan oo reer Masar ah iyo kuwa Islaamka ee ku nool caalamka , iyagoona sheegay in qoftaasi tahay Mujrimad u baaahan in la qabto.
Si kastaba maalmo ka dib markii qoraaladeeda ay ku baahisay ayaa caalamka Islaamka laga maqlayy dhimashadeeda kadib markii uu ku soo booday Heart Attack ama wadna xanuun kaasoo ay u dhimatay waxaana taqaatiirtii daweyneysay ay sheegeen inaaney waxba ka qabn karin xanuunkeeda isla markaana aanay fahmin waxa sababay.
“Nacdashii Qaza oo dishay Cizat Saami” cinwaankaas ayaa waxaa lagu soo qoray badi wargeysyada ka soo baxa dunida carabta iyo Islaamka .

Waxaa hubaal ah in arrintaan ay daliil u tahay kuwa iyagu ku fogaaday nacaybka Islaamka isla markaana taageerada u haya dulmiga iyo xasuuqa ay waddo Yuhuuddu.
Suxufigadari@gmail.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply