Saynab Laba dhagax oo isaga baxday Fanka kadib fariin ay qaybta ay ku leedahay face booga cawa so dirtay hoos ka eeg sababta

Fanaanada Saynab laba dhagax oo ka mid ah fanaaniinta ugu caansan Fanka Soomaaliyeed ayaa qoraal ku astaysan 31 julay 2014 ay soo dhigtay Facbook ku sheegtay in ay joojisay howlahii fanka sanadaha badan ku jirtay.

dhagax

Waxa ay qoraalkeeda ku dalbatay in aan laga codsan in Hees wax ka qaado nuucee doonta ha ahaatee ama abwaano heeso u dhiiban waxa ay xaqiijisay in dhamaan arimahaa oo dhan go’aan ka qaadatay oo aysan dib ugu laaban doonin.
Laba dhagax ayaa sheegtay in ay hakisay sidoo kale Albunkeeda cusbaa ee Guul oo sida ay sheegtay dhaqaalo badan ka galay waxa ayna tilmaamtay in go’aankaa uu gooni u yahay kana laaban doonin sida ay xustay .
Ugu danbayntii ayay ugu yeertay dhamaan fanaaniinta fanka jecayl in ilaahay wadada xaqa tusiyo waxa ayna qoraalkeeda sii raacisay in ay adag tahay in hadalkeeda la aamino balsa dhab ka yahay.
Waa markii ugu labaad Saynab laba dhagax  go’aan nuucaan ka soo baxo tan iyo wixii ka danbeeyay 1995 xiligaa ay fanka Soomaaliya ku soo biirtay

waxaan kaso xiganay curubo.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply