1944

Anagoo u taagan marwalbo inaan baahida iyo codsiga aqristayaasheena ka jawaabno waxaan go’aansanay inaan dib ugu laabano beri samaadkii Bollywood-ka sida uu ahaan jiray iyo atoorayaasha iyo atirishooynka fanka awood ku heesan jireen.

Sidaa darteed waxaan dib ugu laaban doonaa bilawgii Bollywood-ka markii la bilaabay in la qiimeeyo filimada tiyaatarada la saaro iyo lacagaha ay soo xareeyaan.

Sidaa darteed xogta rasmiga ah ee la diwaan galiyo dhanka Bollywood-ka waxay kasoo bilaabatay sanadii 1940 in la qiimeeyo filimada sidoo kalena awooda atoorayaasha iyo atirishooyinka la xukmin karo.
Hawraar  waxay go’aan ku gaartay inaan xogta Bollywood-ka min bilaaw ilaa iyo dhamaad idinla wadaagno si macluumaadkeena uu u noqdo mid dhameestiran.

Hadaba maanta hoos kaga bogo sedexdii atoore iyo sedexdii atirisho ee Bollywood-ka ugu awooda badnaa sanadii 1943:

Dhanka Atoorayaasha Xiligaas ugu awoda badnaa sanadii 1944:

1944

K L Saigal (Bidix), Ashok Kumar (Dhexda), Karan Diwan (Midig)

K L Saigal: Markale filimadiisii Meri Bahen, Bhanwara ayaa laga yaabay wacdaraha ay dhigeen.

Ashok Kumar: Filimkiisii Chal Chal Re Naujawan ayaa guul weyn gaaray

Karan Diwan: Filimkiisii Rattan ayaa dhigay iskoor Bollywood-ka ku cusub.

F.G: Sanadkan wiil cusub ayaa awooda Bollywood-ka la wareeegay waana Karan Diwan kaasi oo sameeyay filimkii labaad ee taariikhda Bollywood-ka Blockbuster noqdo waana filimkiisii Rattan.

K L Saigal sidii joogtada u ahayd sanadkan labo filim oo guulo waa weyn gaareen ayuu la yimid halka Ashok Kumar isagana filimkiisii Chal Chal Re Naujawan siweyn loo amaanay guulna uu gaaray.

Ugu dambeyntii Prithviraj Kapoor ayaa safka h–e laga waayay markii ugu h–eesay sidoo kalena xidigan baska ayuu ka dhacay markii ugu h–eesay mudo 4-sano kadib.

Dhanka Atirishooyinka Xiligaas ugu awoda badnaa sanadii 1944:

Noorjehan: Labadeedii filim Dost iyo Lal Haveli boxoffice-ka wacdaro ayay ka dhigeen.

Noorjehan

Mumtaz Shanti: Filimkeedii Bharthari ayaa guul muhiim gaaray kana caawiyay inay safka h–e ku jirto.

mumtaz

Mumtaz Shanti

Suraiya: Filimkii Phool ayay dadka oo dhan kusoo jiidatay xiligaas.

Suraiya

F.G: Noorjehan boqorada Bollywood-ka ayay noqotay waxayna sanadkan sameesay labo filim oo Hit weyn noqdeen Dost iyo Lal Haveli.

Mumtaz Shanti iyadana filimkeedii Bharthari ayaa ka caawiyay inay safka h–e baaqi kusii ahaato sidoo kalena ay taageerayaal badan kasbato.

Gabar cusub ayaa booska h–e soo gashay waana Suraiya madaama filimkeedii Phool uu guul taariikhi ah gaaray balse nasiib xumo Leela Chitnis oo sanado badan safka h–e ku jirtay ayaa meesha ka baxday madaama filimkii Kiran oo ay la sameesay Ashok Kumar uusan guul buuran gaarin halka Ashok Kumar iyo Leela sanadihii h–e ay isla sameeyeen aflaan Classic ah sida (Kangan,Bandhan iyo Jhoola)

KA DHIIBO FIKIRKAAGA