Shabakada Face Book Oo Ducooyinka Islaami Ah Masaxay Iyo Musliim Badan Oo Ka Cadhooday Hab-Dhaqankaas Cusub

Kumanaan muslimiin ah ayaa masaxay, sanduuqyadoodi ay ku lahaayeen, shabakada xidhiidhka bulshada ee Face book, ka dib markii shabakadaasi masaxday, ducooyin tiro badan iyo adkaaro Islaami ah oo macaamiishu isku dhaafsadeen, kuwaas oo markii la waydiiyayna maamulka shabakadaasi si badheedh ah u qirtay, isla markaana diiday inuu raali galin ka bixiyo.

facebook-560(3)Ducooyinka ugu tirada badan ee Facebook masaxday ayaa waxa ka mid ah, (Istiqfaarta, “Astaqfurullaahi Cadiim”), waxa kale oo ay shabakadu masaxday, adkaar kale oo kala duwan, kuwaas oo aanay wax sabab ah oo ay uga saartay sanduuqyada macaamiisha aanay sheegin.

Waxa markii warkan lagu baahiyay shabakadaha internet-ka markiiba bilaabmay, olole ay kooxaha aadka ugu xidhan shabakadahaasi baahiyeen, kuwaas oo ay ku sheegeen, in Facebook iyo mulkiilaheeda Mark Zuckerberg ay bilaabeen dagaal ku lid ah diinta Islaamka iyo astamaheeda.

Adkaartan shabakadu ka masaxday akoonada macaamiisheeda, ayaa si badheedh ah oo aan wax loogu mar marsiyooday jirin, gabi ahaanba loo masaxay, waxaana jiray dad tiro badan oo codsiyo u qoray, isla markaan waydiiyay? Sababta looga masaxay iyagoo aan ISIS iyo Ansaarul Suna iyo Al-Qacida midna ka tirsanayn, xidhiidhna aan la lahayn, kooxo xag jir Islaamiyiin ah.

Qoraal la sheegay in maamulka sare Facebook uu ka soo baxay, waxa nuxur ahaan lagu sheegay, in Face book aanay colaad u hayn muslimiinta iyo Diintooda islaamka, isla markaana aanay ka soo hor jeedin Istiqfaarta, waxa dhacayna dhamaan yahay warxumo tashiil.

Waxyaabaha kale ee qoraalada xiisadan la xidhiidha laga soo warinayay ama ka soo baxayay, ayaa waxa ka mid ah, qoraal kale oo lagu sheegay in Marka Kalmada Astaqfurullaahi Cadiim loo qoro, ee alifka ay ku bilaabmayso hamsada ama alif yaraha la saaro, aanay shabakada facebook kaa joojinayn oo aad soo dhigi karto, laakiin haddii alifka la hoos dhabo, ay si kale turjumaad ahaan ula ekaanayso serfarka guud oo uu si otumaatik ah iskaga saarayo.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply