Shabeel Naagood-ka Bollywood-ka: Akshay Kumar Iyo Xiriiradii Jaceyl Ee Uu Horey Usoo Sameeyay Wax Ka Ogaaw (+Sawiro)

Khiladi Love Affairs

Super Star Akshay Kumar fanka hee sare ayuu ka gaaray balse noloshiisa dhanka fanka sida ay isku bad badashay oo ay hadba heer u gaartay ayay sidoo kalena noloshiisa gaarka ah iyadana hadba waji cusub u laheyd.

Akki kumar 1991 ayuu Bollywood-ka kusoo biiray asigoo aan qof garab ka heesanin hadaba halgan dheer kadib maqaam sare ayuu gaaray laakiin xidigan wuxuu ahaa jilaa soo jiidasho badan wuxuuna jaceyl la wadaagay inta badan gabdhaha Bollywood-ka ugu qurxoon.

Hadaba Akshay iyo xiriiradii jaceyl ee uu barisamaadkii soo sameeyay ka hor inta uusan Twinkle Khanna guursanin waxaa naga codsaday inaan idinla wadaagno aqristaheena nagu weyn Mustafe Saciid Ahmed ” Mustafe Kynan “ oo Somaliland ku nool Gaar ahaana Caasimada Hargaysa:

Akshay Kumar Iyo Pooja Batra: waa gabadhii ugu h–eesay ee uu Akshay xiriir jaceyl la wadaago ka hor inta uusan Bollywood-ka kusoo biirin, Pooja dhanka Model-ka ayay ku fiicneyd waxaana ka caawiyay Akshay inay fanka kusoo biirto.

Aki and Pooja

Labadan lamaane iskuma waarin waxaana eeda dusha looga tuuray Akshay oo markaas Pooja iska iloobay si uu Bollywood-ka heer sare uga gaaro!

Akshay Kumar Iyo Ayesha Jhulka: Akshay noloasha Bollywood-ka wuxuu ka dhex helay Ayesha Jhulka weliba waxay aad isku jeclaadeen kadib markii filimkoodii Khiladi uu Hit noqday. kadib labadan lamane jaceylkooda banaanka ayay soo dhigeen waxaana laga ogaaday Bollywood-ka oo idil.

Balse Ayesha jaceylkeeda wey ceshan weesay madaama uu markaas Akshay wiil dhalin yar ahaa xiisahii uu Ayesha u haayay ayaa meesha ka baxay!

Akshay Kumar Iyo Raveena Tandon: Inaba caadi ma ahan sheekadan waayo waxaa lagu tilmaamaa jaceylkii ugu weynaa ee Bollywood-ka ka dhacay 90-kii.

Labada lamaane mudo sedex sano iyo ka bada waxaa ka dhaxeeya xiriir nafta la isku quuray weliba heer waxay gaareen inay aflaanta kusoo bandhigaan sida ay isugu dhow yihiin!

Laakiin markii dambe fool xumo iyo dagaal ayaa lagu kala tagay waxaana eeda dusha laga saaray Akshay Kumar.

Raveena oo marar badan ka hadleyso sidii uu Akshay u galay waxay tiri “Sedex sano ayaan Akshay nafteyda siiyay waayo jaceylka waxaa igala weynaa kalsoonida iyo is aaminaada waxaan ku balanay inaan is guursano balse isaga ayaa meel cidlo ah iiga tagay”

Wargeska The Times wuxuu sheegay in labadan lamaane ay si hoose isku guursadeen mudana ay wada noolaayeen laakiin Akshay uu ka diiday Raveena inay banaanka soo dhigto arinkan asigoo diidanaa in atirishooyinka Bollywood-ka uu kala shaqeeyo inay ogaadaan sidoo kalena aysan filimada la jilin!

Akshay ayaa xiligaas ku amray wixii ka dambeeyay 1995 in Raveena ay joojiso filim jilista sidoo kalena ay dhameestirto aflaanta ay h–ey u saxiixatay.

Raveena waxaa hayay jaceyl waali ah waxayna aqbashay dhamaan codsiyadii Akshay si ay mar un reer wada yeeshaan.

Balse Raveena dulqaadkii ayaa ka dhamaaday madaama uu Akshay balankii kasoo bixi waayay sido kalena sanadii 1999 Raveena waxay sheegtay in Akshay uu qayaamay madaama uu xiriir hoose la yeeshay Reekha iyo Shilpa Shetty xili ay sugeesay inay wada aqal galaan.

Waxay tiri “Nafteya wey dhibtootay mana sii xamili karo dhib intaan ka weyn sidaa darteed inaan Akshay Kumar ka haro faa’ido weyn ayaa iigu jirtay waayo nolosheyda fanka iyo mustaqbalkeyga gaarka ah labaduba isaga ayaa god ku riday!!”

Akshay Kumar Iyo Rekha: waa xiriir waali ah madaama aysan jiil ahayn labadan shaqsi hadana Akshay waxaa indhaha tiray soo jiidashada waalida ku dheehan oo ay Rekha ku tustay filimkii Khiladiyon Ka Khiladi weliba muuqaalo dareen ku dheehan ayay la sameesay wixii markaas ka dambeeyay Akshay wuuba iloobay noloshii Raveena wuxuuna ka ag dhawaaday Rekha.

Rekha__Akshay

Taasi oo sababtay in Rekha ay Akshay ka hesho halka Raveena ay dagaal la timid kuna wargalisay Rekha inay Akshay ka fogaato laakiin markii dambe Raveena iyada ayaaba meel cidlo ah kusoo dhacday!!

Akshay Kumar Iyo Shilpa Shetty: Akki aya gacanta ku dhiay Shilpa xili uu rabay inuu buuqii Raveena iyo Rekha kaga nasto.

Labadan xidig si fiican ayay isku fahmeen sidoo kalena aflaan badan ayay isla jileen taasi oo sare usii qaaday xiriirkii ka dhaxeeyay.

Laakiin Shilpa ayaa dhibsatay sida ay saxaafada Hindiya xiriirkooda uga faalooto iyo in laga dhigay gabar uu Akshay Kumar doonayo inuu waqtiga ku lumiyo sidii kuwii h–e oo kale.

Laakiin Shilpa waxay ka quusatay Akshay markii ay ogaatay inuu xoraansi iyo is gaad gaad ku haayo Twinkel Khanna oo saaxiib la ahayd Shilpa.

Shilpa markaas ayay go’aansatay inay nolosheeda xisaabiso sidoo kalena ay dib u liqdo hamigii ay ka qabtay inay Akshay Kumar nolosha la wadaagto!

Akshay Kumar Iyo Twinkle Khanna: Kadib markii uu Akshay gabdhaha ugu qurxoon Bollywood-ka waqti lasoo qaatay wuxuu ugu damebyntii gacanta ku dhigay Twinkle oo markaas ahayd gabar yar oo aan arimaha jaceylka waaya arag ku ahayn.

Akshay ayaa ka balan qaaday Twinkle inuu gabi ahaanba joojiyay dabeecadihii shabeel naagoodka haatana uu diyaar u yahay inuu nolol cusub sameysto.

Twinkle ayaa aqbashay codsiga Akshay waxayna isku guursadeen si qarsoodi ah mudo kadib arinkan waxaa ogaadeen waalidka Twinkle ee Rakesh Khanna iyo Dimple Kapadia waxayna ka biyo diideen in Akshay uu gabadhooda guursado.

Ugu dambeynti Twinkle ayaa waalidkeeda u sheegtay inay Akshay iyada dooratay haatana uusan ahayn qof xun diyaarna u yahay inuu reer dhisto sidaa darteed sanadii 2001 ayaa loo dhigay aroos weyn oo ay labada waalid kasoo qayb galeen.

Akshay iyo Twinkle haatan mudo 14-sano ah ayay isla nool yihiin waxayna u heysaa wiil iyo gabar Aarav iyo  Nitara.

Akshay Kumar Iyo Priyanka Chopra: Akshay noloshiisa guurka kadib wuxuu noqday nin xasiloon kana fogaado in saxaafada ay wararka reerkiisa bur burin karo ka qoraan.

Balse markale ayuu god ku dhacay waayo waxay aad igu dhawaadeen Priyanka Chopra waxaana la sheegay inuu xiriir qarsoodi ah dhex maray kadib markii aflaantoodii ay wada sameeyeen guul wada gaareen.

Aflaanta lagu amaanay labadan jilaa waxaa ka mid ah “Andaaz”, “Mujhse Shaadi Karogi”, “Aitraaz” iyo “Waqt: Race waxayna ku muujiyeen sida ay isugu macaan yihiin in marwalbo filim loo wada dhiibo.

Akshay iyo Priyanka xiriirkooda inta uusan sii balaaran waxaa tilaabo adag qaaday Twinkle Khanna oo Akshay soo xasuusisay balankii uu ka qaaday.

Sidoo kale Twinkle meel xun ayay ka gaartay waxayna Akshay ku wargalisay inay nolosha u firaaqeyn doonto hadii uu markale Priyanka Chopra filim la sameeyo ama la shaqeeyo.

Akshay oo aan rabin in qoyskiisa uu bur buro amarkii xaaskiisa ayuu qaatay wixii markaas ka dambeeyay filim dambe lama sameynin Priyanka sidoo kalena mar dambe Akshay iyo xantiisa dhanka naagaha lama maqlin ilaa haatan!!!!

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com