Shah Rukh Khan oo gudoomay koob Salman Khan uga yimid.

tan iyo markii dagaalku ka dhax bilowday Salman Khan iyo Shah Rukh Khan 2008, waxaa taageera yaasha labada jilaa ey la socdeen hadalo laga faafiyay labada dhinac, laakiin ugu dambeyn Salman ayaa saaxibkii hore u hadiyadeeyay koobka “Boqorka Bolywood, taas oo lama filaan ku noqotay dad badan. “Laakiin Shah Rukh Khan lama yaabin arintaan, in kastoo mahad balaaran uu u celiyay saaxibkii Salman, isagoo yiri “anagu waxaanu nahay jila yaal, waan isku war maceynaa, waana is ixtiraamnaa, waxaan aaminsanahay in jilaa kasta saas yahay anna aan kamid ahay kuwaas, waxaan sameynay wax badan intii aan ku jirnay shaqadaan, waxaan hada helnay waa natiijadii kasoo baxday dadaalkaas dheer. Shah Rukh Khan kuma ekaan intaas ee wuxuu tilmaamay in khilaaf weyn uusan u dhaxey isaga iyo Salman, “waan ixtiraamaa dhamaa mana liido awoodooda, ugu dambeyn wax weyn uma arko koobabkaan iyo rikoorada aan sameeyay, jilaa kasto wuxuu jecelyahay in filimkiisa soo socda uu guuleysto, waana u mahad celinaa shaqsi walba oo i xasuusiya wixii aan soo dhaafay iguna tilmaama King of Bollywood, waxaan rumeysanahay in tani nicmo dhanka eebe iiga timid tahay ayuu yiri Shahruu. Waxaa xusid mudan in Shah Rukh Khan iyo Salman Khan dagaal ka dhax bilowday 2008, 17dii June, maalin loo dabaal degayay dhalashada Katrina Kaif oo xiligaas saaxib la eheed Salman kadib marki uu meesha uga dhawaaqay Shahruu war aan raali gelin Salman. Suxufigadari@gmail.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply