run ahaantii SRK Waa aabo xiriir dhaw la leh Ubadkiisa sida:   Aryan, Suhana iyo AbRam, mar uu wareysi bixinayey Xilli uu xayeysiis u sameenayey filimkiisa Dhawaan soo bixi doono ee Raees, SRK ayaa su,aalo laga waydiiyey sida uu wiilkiisa Aryan uga jawaab celiyo markii uu arko aabihiis oo jaceyl waali ah shaashadaha kula wadaagayo atarishooyinka .

SRK ayaana ku jawaabay: ” Ma garanayo ficil celinta uu wiilkeyga ka bixiyo jaceylka aan atarishooyinka la wadaago, sidoo kalana waxba kama yaqaan jaceylka aan gabdhaha la sameeyo (Wuuna dhoola caddeeyey), Aryan iyo saaxiibadiis Nolol kale ayey ku jiraan, waligeyna Aryan ma waydiin waxa uu jecel yahay iyo waxa uu neceb yahay taasoo ku aadan doorarka aan jilo, wax dhibaato ah malahan waxa laga sameeyo shaashadda”.

Wuxuu sii raaciyey: ” Aryan hadda wuxuu baranayaa sida filimaanta loo sameeyo, anigana wuxuu iga baran karaa wax badan”

 

By Tayo Qaran Al-Ahmadi

KA DHIIBO FIKIRKAAGA