Shahid Kapoor, Kangana iyo Saif Ali Khan Oo Filmkoodii Laga Daawanaayo Shaashadaha Caalamka

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in xiliga rasmiga ah ee la daawan doono filimka “Rangoon” ee sida wada jirka ah u wada keenayaan Shahid Kapoor, Kngana Ranaut and Saif Ali Khan la daawan doono 24  February ee sanadka danbe 2017.

Filimkaan “Rangoon” oo si weyn loo sugayo daawashadiisa ayaa horay waxaa la isla dhex marayay in la daawan doono bisha Oktoobar ee sanadkaan, hase ahaatee dib loo dhigay.

Qisada filimka “Rangoon” ayaa waxay ka turjumeysaa halkankii madax bannaanida India ee 1940-kii iyadoo seddaxdaan jilaa ee miisaanka ku leh Bollywoodka mid walba qeyb muhiim ah ka jilaya filimka.

 

Faalo Ka Dhiibo

comments