Sida aabahood Shah Rukh Khan oo kale, Aryan Khan iyo Suhana Khan waxay isha ku hayaan in aysan ka howlgelin shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywood illaa ay kasoo dhammeysanayaan waxbarashooda.

SRK wuxuu daaha ka qaaday in uusan ilmihiisa ku dhiirrigelin doonin inay kusoo biiraan fanka iyo jilliinka illaa ay soo dhammeysanayaan waxbarashooda.

Shah Rukh Khan oo la hadlayey warbaahinta India ayaa ugu dambeyn ka jawaabay wararka xanta ah ee gaafwareegaya mustaqbalka caruurtiisa. Aryan Khan oo ah wiilka ugu weyn ee uu dhalay SRK ayaa ah mid laga jecel yahay baraha bulshada, wararka xanta ah ayaana sheegayey inuu diyaarsan yahay filimkii uu Aryan kusoo geli lahaa Bollywood.

SRK oo ka hadlayey arrinkiisa ayaana yiri: “Gurigeyga ka yaalla shuruudo ay tahay inuu shaqsigu buuxiyo si uu jillaa u noqdo. Haddii aadan jaamacad kasoo qalin jebin ma aaminsani inaad noqon karto jillaa guulo gaara.

“Xaqiiqadu waxay tahay xumaan ayaan u dareemayaa dhammaan jillaayaasha ka xamaasha Bollywood ee aan jaamacadaha kasoo qalin jebin. Ulama jeedo inay sarre u eegi doonaan dadka ka guulaha badan, balse waxaan aaminsanahay inay waxbarashada heerka sarre ah iga caawisay inaan guulo ka gaaro fanka iyo jilliinka”.

King Khan oo ka hadlayey arrinka gabadhiisa Suhana Khan ayaa yiri: “Gabadheydu haatan waa 11 sanno jir waana inay soo qalin jebiso si ay u noqoto atariisho. Waa ay jeceshahay fanka iyo jilliinka. Waana ku fiican tahay matalaadda. Waan jeclaan lahaa inaan ku dhiirrigeliyo laakiin waa inay kasoo baxdaa shuruucda u taalla reerkeyga”.

Salman Khan, Akshay Kumar, Priyanka Chopra iyo shaqsiyaad kale ayaa ka mid ah liiska jillaayaasha guulaha ka gaaray Bollywood iyagoo aan jaamacadda soo dhammeysan. Sidaas darteed SRK dadkaan ayuu weerar gaar ah ku qaaday.

Liiska shaqsiyaadka aan waxbarashada derejo sarre ka gaarin balse guulaha ka gaaray Bollywood si gaar ah ayaan idinkugu soo gudbin doonaa.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA