Directorka ahna aktarka caanka ah ee Farhan Akhtar ayaa sheegay in filimkiisa Don 3 uu matali doono aktarka matalay qaybihii hore ee Shahrukh Khan.

Iyada oo maalmihii u danbeeyey la isku haystay cida filimkan qaybtiisa 3aad soo saari doonta ay Farhan waxa uu saxaafada u xaqiijiyey in Shahrukh Khan uu jili doono qaybtan cusub.
Shahrukh khan ayaa lala xidhiidhiyaa in uu dhamaan filimada noocyadooda kala duwan uu u matali karo sida ugu fiican ee loo matalo.

Farhan ayaa ka aamusay inuu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo atarishada la jili doonta aktarkan aktarada ugu guulaysiga badan.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

1 COMMENT

Comments are closed.