Waxa ay Dad badani had iyo jeer cabasho ka muujiyaan ilawshe aad u badan iyo sidoo kale xasuustooda oo aad u hoosaysa.

Barigii hore waxa arrinta noocani ah lagu yaqaanay dadka waawayn ,balse xiligeenan waxa aad arkaysa caruur yar yar uy dhalin yaro arrintaasi ka cabanaya ,haddaba haddi aad ka mid tahay dadka ay dhibaatadaasi soo fool saartay ku dedaal inaad fulisid arrimaha hoos ku xusan :

1/ Ha isku dayin in aad dhawr hawlood mar wada qabato,kuna dedaal in aad hawlhaaga iyo shaqooyinkaaga u kala qabto sida ay u kala horeeyaan amase u kala muhiimsanyihiin.

2/ Ku dedaal in aad ka shaqayso hal xidhaa layaasha kala duwan,kuna dedaal in aad ciyaarto ciyaaraha ay ku jiraan farsamooyinku ee u baahan fikirka .

3/ ku dedaal in aad seexato hurdo wanaagsan oo bilaa buuq ah.

4/ Ka fogow buuqa iyo nidaam la’aanta kuna dedaal inaad had iyo jeer wax nidaamsato.

5/ ku dedaal in aad niyadaada had iyo jeer wax wanaagsan u sheegto .

Dhamaan arrimahaa kor ku xusan waxa ay xoojinayaan xasuusta maskaxdaada haddi aad ku dedaasho in aad fuliso.

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA