Halka kaga bogo sheeko aad u qosol badan oo dhex martay Nin Taxi leh ah iyo gabadh Bus Sugaysay iyo Nin Qurba Joog ah oo sheekada dhexda kaga soo dhacay akhris wanaagsan:

 

Nin taxile reer Hargeisa ah ayaa galab arkay gabadh da`yar oo aad ulabisan runtii indhihiisana way soo jiidatay durbadiba waxa galay damac ileen waati lagu maahmaahi jiray (damac Iyo dookh toona kama dhamaadee) haasaawe qasaba ayuu ku bilaabay inantii
Taxilii: inaabti ma buskaad sugaysaa
Inantii: haaa
Taxilii: kaalay inaabti anba aan kusii gaadhsiiyo suuqeee
Inantii:nooc walba wuu kula sheekaysanayaa waad mahadsantahaye iska soco
Taxilii: inaabti maahe kaalay waad ka qaalinsan tahay Gabadh intaa bus sugtee
Inantii:waar dee caadi iska dhig oo iska soco waxan waaba nalagu sawiri
Taxilii:inaabti maxaad isla adkaynaysaa soo kor
Nin bidaarle oo meesha taagnaa ayaaa ujawaabay ninkii oo kuyidhi waxan bilaa dhaqankii muxuu ahaa waar iskaga tag waxyoow inanta.kadib intuu inanta
xageedi u jeestay ayuu hadal ku bilaabay wll qaali iska dul qaado dadka nooc walba waad ku arkaysaaye dadku markaanay aqoon Iyo ixtiraam toona lahayn dhibteeday leeyihiin. wllo xageed kusucotay ma
waxbarasho? Intaasu isku raaciyey gabadhii yarayd
Inantii: yadoo hoostaa ka faraxsan ayey si dagdag ah utidhi haa wllky jaamacadiiban kusocday oo waaban habsaamay maanta
Ninkii: sorry wll mcn wadanka dhawr cishaaban joogay wali gaadhi maan soo gadan am so sorry qaali anaa ku gayn laaye
Inantii:oo durba hoosta ka saaqan ayaa ku celisay wllky xageed ka timi ma qurbaa???
Ninkii:haa wll qaali flight kii Isniintaan ku qoranaa fly Dubai xagaaa America ayaan ka imi
Inantii:wll hadaaba message iisoo dhacoo wax lay sheegay in aanan maanta class lahayn marka waynu isku helaynaa wakhti aynu kuwada sheekaysano
Ninkii:wllo qaali may waa inaan wada fadhiisanaa hadaba meel siaynu sifiican ugu wada sheekaysano
Inantii:wll number maleedahay
Ninkii bidaar: qaali wali maan soo furan
Inantii:waa normal wllky hadaan telesomta tagaynaaa card ayaan kusoo furi wll Mar hadaad magaalada kucusb tahay anaa ku caawinyaa
Ninkii :sis malaa waan n ku dhibay anaaa tagiye iska daa
Inantii: may may wllky waynu isku leenahay.
Inantii ninkiii isku sii daba qortay lacagteedi ugu soo furtay card numberkeedii siisay
Way ku guulaysatay abuu bidaarka qurbo jooga ah. sheeko dheer kadib laysku sheegay jacayl
oo jacaylku dhakhso badanaa dee ma jacayl caadiya waa jacayl qurbe doone
Kadib lays guursay oo dhawr kun bixi dagdag loogu hooy kuwaasi ileen guryo ma gogladaane 20cisho hotel ladag ileen beena waalagu soo xero galiya runa waa lagu dhaqaaye si dhaba laysku waraysay
gabadhii: xbbi macane horta waadigan dhawaan tagaaye Adiis iskuma sii raacayno calshan dacwad ma balibi rabtid
Ninkii: xbbti horta runbaynu kawada hadlaynaa maanta,maalintii aynu is baranay shaqadayda ma iwaydiisay???
Gabadhi: xbbi may shaqadu ma muhiimba kaliya waxa igu filan inaad maraykan ka timi oo aad passport America ah sidatee
Ninkii: xbbti hadaba anuu lacag sidaasa ma haysto intii aan hayeyna waynagaa ku aqal galnay dee aan 10sano inoosoo shaqeeye iisamir
Gabdhii: oo maxaaad ka shaqaysa ayey si cadho leh u waydiisay
Ninkii: waxan nadiifiyaaa wadooyinka ayuu jawaab usiiyey
Miskiina kii raaxo taxida watay iska raac lahaydee……….
NB:Asxaabtayda bidaartaliii hayga raali ahaato yaga uma jeedo ee bidaartu waa astaanta koowad ee lagu garto qurbajoogta
Hasocoto!!!!!!!!!!

By/ xamse cali .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

 

 

KA DHIIBO FIKIRKAAGA