Sheeko Taxana ah (Dhib iyo Dheef Jacayl ) Qaybtii 1aad

Untitled-1Sheekadan Dhib & Dheef Jacayl waxaa diyaariyey Abwaan Faysal Xiis Weerar, sheekadan oo ah mid xiiso badan ayey dadaal u gashay bahda hawraar inaad si joogta ah ugala socontaan Shabakadan Waxaana idiin soo diyaariyey Faysal Xiis Weerar.

Sheeko dhab ah oo dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo Nafta isku hibeeyya

Waxay xambaarsantahay maalmo macaan oo ay noloshooda soo wada mareen,murugo iyo dhibaato soo kala dhex gadhay iyo mawjado is hirdiyaya oo nolosha ku gadaaman.

 

Waa casar cirku daruuri ku gadaaman tahay lana urinayo uduga raxmada Eebe, dacalada wadooyinka waxaaa wadhan xareed, xilliguna waa barwaaqo waxaana lagu jiraa gu’roobaad.

Sakariye oo ay caado u tahay inuu duhurka yara seexdo, ayaa cabaaro saddexdii bas ka soo raacay agagaarka  Baar Guuleed oo udhawaa gurigooda, waxaana jaleeco gaaban ku eegtay inan fadhiday kuraasta ka horaysa mid ka mida, maaha markii  ugu horaysay ee ay aragto  ee waa qof ay sifiican u taqaano, aqoon uma lahayn Farduus.

Waxay lacagtii baska oo laba qof ah u dhiibtay wiilka lacagta ururiya  iyada oo codka hoos u dhigaysa waxay tidhi; “Waa aniga iyo wiilka kursiga danbe kaligii fadhiya”.

Sakariye isagu wuxuu ku maashquulsan yahay ciyaarta galabta ku sugaysa garoonka kubada  kolayga ee Timacade, ciyaartaasi oo dhexmaraysa  Dugsigiisa 26 Juun iyo dugsiga Faarax Oomaar, goor dambe ayuu soo taagay lacagtii waxana loo sheegay in labixiyay, iskumuu hawlin inuu ogaado cidda bixisay lacagta baska, markii uu soo gaadhay isgoyska  Baar Hargaysa ayuu Sakariye baskii ka dagay, degdegna wuxuu ugu dhaqaaqay dhanka garoonka. Farduus ayaa ka soo daba degtay Sakariye,  una soo kacday dhanka garoonka, nasiib wanaag Sakariye iskuulkiisa moyee kakale waakii Farduus dhiganaysay, markay soo gashay waxay fadhiisatay  soo-jeedka galbeed ee garoonka, Farduus waxay dhex fadhisatay ardaydii ay isku dugsiga ahaayeen, balse markay ciyaartu bilaabantay waxay taageertay dugsigeedii maahee kii kale, waxaanay aad isha ula raacaysay Sakariye oo galabtaa aad ugadhex muuqday ciyaarta.

Taageerada  ay dugsiga kale siisay waxay ka cadhaysiisay ardaydii ay isku dugsiga ahaayeen, inkastoo muran wayni dhex maray haddana aanay gacani dhicin, ayaa waxa soo dhex gashay Suleekha  oo ah ardayada ta ay isugu dhaw yihiin  arintiina ku soo celisay dagnaansho  ilaa ay ciyaartu dhamaatayana lama wada hadal, ciyaartiina waxay ku dhamaatay 41-64 ay guushu ku raacday  Sakariye dugsigiisii, markaasay Farduus usoo jeesatay in ayqanciso ardaydeedii ay isku dugsiga ahaayeen, waxaanay tidhi; “Waxaan u taageeray dugsiga kale maarkaan arkay inay inaga ciyaar wanaagsan yihiin  ayaan is idhi adiga iyo dugsigaaga ayaanay guuldaro idin wada raacin adigu laqaybso dugsiga kale guusha, balse igama ahayn dugsi nacayb aan uqabo dugsigeena”. Ardaydii ay isku dugsiga ahaayeen waa ku qanceen jawaabtaas iyaga oo u arkay inay Farduus tahay qof khibrad u leh ciyaaraha, maanta daba deedna ay wax ka waydiin doonaan ciyaaraha. Waa qof kalsoonideeda u hurtay qof aanay kalsooni kaqabin, waa qof taageeradii dugsigeeda kala bakhayshay, oo u hurtay kii kasoo horjeeday, waa qof jacayl ku duugan yahay oo nafteeda mooyee aan cidkale ogayn, waa qof damqashada jacaylku wadnaheega dagay oo kala baqaysa dabnaha inay ka sheegato dookheeda. Farduus waxay israaceen Suleekha, Sakariye markuu yimid gurigooda wuxuu salaamay laba hablood oo fadhiyey qolka fadhiga, midi waa walaashii ta kalena ma garanaayo, balse waa Farduus. Markuu hore u waydaartay ayey walaashii ka daba timid, kana codsatay inuu suuqa u raaco oo uu u sii wheel-yeelo iyada iyo saaxiibadeed oo sawiro soo galaya, waxaanu ku yidhi; “Waayahay ee inyar i suga”,  cabbaar ka dibna wuxuu u yimid isaga oo labisan, Suleekhi way is bartay walaalkeed iyo saaxiibadeed, madaaama uu Sakariye yahay arday dhawaan kazoo wareegay Burco, oo aan aqoon badan u lahayn magaalada waxaanay Suleekhi tidhi;’ “Walaal Farduus barasho wanaagsan wiilkani  waa Sakariye, waana mataankaygii, inantanina walaal waa Farduus Cali waa qofka keliya ee aan aduunka saaxiib ku leeyahay”. Kadib waxa loo soobaxay suuqa iyadoo la sooraacay bus, waxaana lagaga dagay Adiina Ice Cream, halkaas oo saddexankii wada socday sharaab ka cabeen,  waxoogaana ku nasteen, kadibna waxay ugudbeen Hargaysa Photo, sawirada la gelyo waa lagu kala dareen duwanaa, Sakriye waxa uu u arkaaayey walaashii iyo saaxiibadeed oo uu sawir la galaayo, waxna intaa ugama hoosayn, Suleekha waxay la ahayd xusuus walaalnimo, Farduus iyada way uga duwanayd sidaas waxayna u ahayd, habeen taariikhiya oo xasuus mudan, waxaanay Sakariye lagashay sawir gaar ah, iyada oo si aan loo dareemin sawirada u dajisay jaantus, in kali-kali laba-laba iyo saddex-saddex loo galo sawirada iyadana wax uqarsoonyihiin.  Intaa kadib waxa loo soo kacay dhankii xaafada, markii la soo gaadhay guryihii, inkastoo aanay sii kala fogayn, hadana waxay sii dhaweeyeen  walaaluhu Farduus markii la is maca-salaameeyey lana kala tagay. Sakariye waxa uu walaashii waydiiyey intee ayaad is taqaaneen Farduus, waxaanay ku tidhi walaal waxaan Isbaranay  Fasalkii Afraad (4aad) ee Dugsiga Hoose, wakhtigaasi oo ahaa markaad Burco u wareegatay, nasiib wanaag maalintaasi ilaa imika waxanu ahayn isku fasal, isku kursi, waxaanu soo wada qaadanay hal fasal oo Dugsi hoose ah, Afar sanno oo Dugsi Dhexe ah iyo Saddex sanno oo Dugsi sare ah.

Lasoco Qaybaha Dambe………………

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply