Gaadiidka Dalka Imaaraadka Carabta gudihiisa la hawl gala ayaa ah kuwa aad u tira badan kuwaasi oo u badan gaadiidka gaarka ah ee ay dadka shacabka ahi wataan ,ciidamada nabad galyada wadooyinka Dalkaasi ayaa ku dadaala sidii ay shilalka gaadiidku u yaraan lahaayeen .

Guud ahaan Dalka Imaaraadka ayaa waxa maalintii shalay ahayd ku habsaday Daruuro aad u badan kuwaasi oo hadheeyay samada dalkaasi.

Daruuraha hadheeyay guud ahaan Dalka Imaaraadka Maalintii shalay

Daruurahaasi tirada badan ayaa waxa ay sababeen shil baabuur oo lagu tilmaamay in uu ahaa shil aan la arag mid la nooc ah,shilkani ayaa waxa uu sababay isku dhaca 44 baabuur oo marayay jidka isku xidha magaalooyinka Abu-dabi iyo Dubai.

Isku dhaca baabuurtaasi ayaa waxa uu ka bilaabmay kadib markii ay laba gaadhi isku dhaceen ,intaasi kadib ay baabuurtii kale isku wada dhaceen waxa aanay ciidamada nabad galyada wadooyinka ee dalkaasi waxa ay eeda saareen wadayaasha baabuurtaasi oo daawanayay labadaasi baabuur.

Ciidamada nabad galyada wadooyinka dalkaasi ayaa waxa ay sheegeen sidoo kale in aan si dhab ah loo haynin tirada dadka ay wax yeeladu ka soo gaadhay shilkaasi,waxa aanay sheegeen in wadaan baadhitaano ay arrintaasi ku ogaanayaan .

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA