Shil baabuur oo aad u la yaab badan ayaa waxa uu ka dhacay Gobolka California ee Dalka Maraykanka .

Shilkan ayaa waxa uu yahay mid aan hore loo arag ,gaadhiga shilka gaystay ayaa waxa uu dul koray dabaq uu ag marayay oo uu ku yaalo dhakhtar ilkaha ah .

Gaadhigani ayaa waxa uu galay gidaarka dabaqa labaad ee dhismahaasi waxa aanay ciidamada nabad galayada wadooyinka ee magaalada Santa’ana ay sheegeen in gaadhiigaasi uu ku socday xaaware sare isla markaana uu jiidhay isbaaro wadada ku taalay intaasi kadibna uu kor u kacay.

Gaadhigan ayaa waxa la xaqiijiyay in uu dhulka ka kacay 3 mitir balse arrinta la yaabka iyo mucjisada noqotay ayaa waxa ay tahay in gaadhigaasi oo ay saarnaayeen Dirwalkii waday iyo qof kale oo la socday ay noolyihuun isla markaana ay soo gaadheen dhaawacyo fudud.

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA