Hawraar (Madiina Al-Munawara) Shil baabuur oo aad u Naxdin badnaa ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Barakaysan ee Madiina Al-munawara ee Dalkaasi Sucuudiga.

Shilkan Baabuur ayaa waxa uu dhacay kadib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo midkood ay saarnaayeen Gabadh Aroosad ahayd iyo Qoyskeedii, waxaana shilkaasi ku geeriyooday Aroosadii iyo Walaalkeed sidoo kale hooyadood oo la socotay ayaa la sheegay in ay soo gaadheen dhaawacyo culus .

Qoyska Aroosada geeriyootay ayaa la sheegay in ay u socdeen qabanqaabadii xaflada arooskeeda sida lagu sheegay Wargeyska Cukaad ee ka soo baxa Dalkaasi balase nasiib darro uu shilkaasi galaaftay nooloshii aroosadaas iyo walaalkeed .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA