Shirakada Facebook Oo Khasaartay Kumanaan Ka Mid Ah Macaamiisheeda Da Yarta Ah !

Warbixin dhawaan ay soo saartay shirkada shirkada E-marketer ayaa waxa lagu cadeeyay in shirkada Faceboook khasaartay kumnaan kun oo ka mid ah macaamiisha sida aadka ah ugu xidhan shirkadaasi.

Tirada Da yarta isticmaasha Facebook ayaa waxa ay da’doodu u dhexaysaa 12 ilaa iyo 17 waxaanay warbixintaasi cadaysay in 1.4 Millyan oo qof oo da yar ahi ay sanadkani gudihiisa ka maarmeen isticmaalka adeegyada shirkada Facebook.

Shirkada Facebook ayaa waxa ay sanadkani gudihiisa khasaartay ilaa 2.8 Millyan oo qof oo da’doodu ay ka hoosayso 25 jir kuwaasi oo isticmaali jiray adeegyada shirkadaasi.

Shirkada Facebook ayaa haatan khasaaraysa macaamiil tira badan waxaana la filayay in shirkadaasi ay tahay shirkada kaliya ee dadka adeegsadaa in ag kor u sii kacaan mooyaanee aanay hoos u dhicin,dhinaca kale madaxda shirkada Facebook ayaan wali ka hadal sababta keentay malaayiinta macaamiisha ah ee ay maalin walba khasaarayso.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com