Shirkada Apple Oo Sheegtay In Nidaamkeeda iCloud Ammaan Yahay Iskana Fogaysay Fadeexada Sawirada Aktarada Hollywood

Shirkada Apple ee leh telefoonada Smart-ka ah ee iPhone iyo aaladaha kale tablet-ka ah ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay kaga hadlayso, nidaamkeeda ICloud loogu yeedho ee loogu talo galay, in qofka isticmaala qalabkeedu uu internet-ka ugu dirsan karo, sawirada iyo macluumaadkiisa.

Shirkada oo dhawaan markii sawirada qaaqawan ee hablaha xidigaha ka ah Hollywood lagu baahiyay internet-ka, oo fadeexad wayni ka dhalatay ay shirkadu ka mid noqotay dhinacyada eeda loo soo jeediyay, gaar ahaana tuhun laga qaaday barnaamijkeeda iCloud.

Fadeexada sawiradaas qaaqaawan ee xidiguhu waxa ay saba

btay in ay sida fiinta uga qayliyaan aktarada la baahiyay, sawiradooda qaaqawan ee Hollywood, kuwaas oo dalbaday in cidii kula kacday fadeexadaas dibada loo soo saaro oo cadaalada la hor keeno.

Taas oo wakaalada sirdoonka Maraykanka u qaabilsan ee (FBI)-du iyadoo ka jawaabaysa ay bilowday, baadhitaan lagu ogaanayo cidii ka danbaysay ee gaysatay falkaas, waxaanay baadhitaan ay samaysay oo hor dhac ahaa farta ku fiiqday nidaamka iCloud ee shirkada Apple.

Laakiin Apple ayaa dhankeeda ka bilowday baadhitaan ay ku hubinayso barnaamijkeeda, waxaanay natiijadii ay ka soo saartay noqotay mid ay gabi ahaanba isaga fogaysay fadeexada sawiradaas aktarada dunida ee lagu baahiyay internet-ka.

 

 

 

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply