Shirkada Facebook Oo Sheegtay In Aanay siyaasa U Kala Eexan

Shirkadda Facebook ayaa iska difaacday eedo loo soo jeediyay oo ahaa in ay qariso qoraallada taageersan siyaasadaha muxaafidka ah.Warbixin uu daabacay bogga internet-ka ee baahiya wararka tiknoolajiyadda, Gizmodo, ayaa sheegtay in shaqaalaha shirkadda ee u xil saaran qoraallada lagu baahiyo Facebook oo ay adeegsadaan 1.6 bilyan oo qof ay inta badan si ula kac ah u qariyaan qoraallada ay diidanyihiin.

Madaxa qaybta baahinta qoraallada ee shirkadda, Tom Stocky, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in “ Shirkaddu aanay helin wax cadaynaya eedaha loo soo jeediyay in ay run yihiin”.

Eedahan waxaa Facebook loo soo jeediyay ka dib markii, Mark Zuckerber, oo ah ninka aasaasay Facebook si badheedh ah u dhaleeceeyay siyaasadaha ninka la filayo inuu madaxtinimada Maraykanka u tartamo ee Donald Trump isagoo yidhi “Waxaan maqlayaa hadallo cabsi badan leh oo ku baaqay in gidaarro la iskaga xidho dadka ay ku sheegaan in aanay iyaga ahayn”.

Hase yeeshee, shirkaddu waxay ku adkaysatay in aragtidaa Zuckerber aanay sinaba sabab ugu ahayn in qoraallada Facebook lagu baahiyo si kala duwan loo qiimeeyo.

Faalo Ka Dhiibo

comments