Shirkadaha Dharka Dunida Oo Ku Tartamaya Waynaynta Jeebadaha Saraawiisha Si Telefoonada iPhone Plus-ka Ay U Qaadaan

Shirkadaha waaweyn ee dharka farsameeya dunida, gaar ahaan kuwooda ugu balaadhan dhinaca iibka, ayaa wakhtiyadii ugu danbeeyay ka hadlayay, saraawiisha ragu xidhaan, oo jeebadahooda, ay u waynaynayaan, si ay ugu qaadi karaan, telefoonada casriga ah ee iPhone 6 iyo iPhone Plus, kuwaas oo jeebadihii hore ee caadiyan saraawiishu u badnaan jireen, ka waaweyn dad badana ay ku adkaatay inay telefoonadooda ku ridan karaan.

Shirkada ugu wayn dalka Shiinaha ee dharka iyo tolmaha casriga ah, oo lagu magacaabo, China Unicom, ayaa iyadu kaalinta ugu horaysa kaga jirta, shirkadaha soo saaray xayaysiisyada ay macaamiishooda ugu balan qaadanayaan, jeebadaha saraawiishooda in loo waynayn doono, haddii ay la soo xidhiidhaan.

Shirkadan ayaa shabakadeeda boga internet-ka ay ku leedahay, ku baahisay, xayaysiis ay macaamiisheeda ugu balan qaadayso, in lacag la’aan loogu toli doono, jeebado waaweyn oo telefoonada u qaadi kara, saraawiishooda, kuwii hore iyo kuwa cusub ee ay iibsanayaan labadaba.

Shirkadan ayaa sheegtay in dawaarlayaal tiro badan ay qoratay bilihii ugu danbeeyay, kuwaas oo sida shirkadu ku doodayso, aqoon fiican u leh, tolmaha dharka iyo casriyayntooda, waxaanay macaamiisheeda ugu baaqday inay ka faa’iidaystaan, fursadan oo wakhti kooban socon doonta.

Sidoo kale shirkada dharka Marakanka ee Eagle ayaa iyada lafteedu dhawaanahan baahinaysay xayaysiisyo ku saabsan, jeebadaha saraawiisha iyo is badalo casri ah oo ay ku andocoonayso inay ku soo kordhisay, qaabkii hore ee dharka ay shirkadu farsamayo.

Eagle waxa ay macaamiisheeda u balan qaadaysa inay u soo saari doonto saraawiil, jeebahadoodu si fiican u qaadi karaan, telefoonada casriga ah, waxa kale oo shirkadani soo bandhigtay, dhar cusub oo haweenka u gaar ah, kuwaas oo iyaga laftoodu leh, jeebado waaweyn oo dhinaca hoose maraya, kuwaas oo loogu talo galay inay u qaadi karaan, telefoonada casriga ah.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply