Shirkadda GOOGLE Oo Quddus U Aqoonsaday Caasimadda Isreal, Ka Dib Go’aankii Trump

Dadweynaha reer Falastiin ayaa wada dibad-baxyo ay ku diiddan yihiin Go’aanka uu Madaxweynaha Maraykanku shalay ku sheegay inuu Magaalada Quddus u aqoonsaday Caasimadda Dawladda Yuhuudda ee Israel.

Dadweyne badan oo reer Falastiin ah ayaa Shalay oo Go’aanka Madaxweynaha Maraykanku ku sheegay inuu Quddus u aqoonsaday Caasimadda Israel isla-markaana uu Safaaradda Dalkiisa ee Talaabiib ku taallay u rarayo Quddus, bilaabay Dibad-baxyo waaweyn oo ay ku gubayaan Calamada Dalalka Maraykanka iyo Israel, ayaa sidoo kale Cambaareeyay Shirkadda GOOGLE, taasi oo Magaalada Quddus ka beddeshay wixii hore ay xog ahaan uga hayeen oo ahayd in Quddus tahay Magaalo ay isku haystaan Falastiin iyo Israel, laakiin hadda waxa uu GOOGLE uu astaanta Quddus u beddelay inay tahay Caasimadda Israel.

Dadweynaha reer Falastiin ayaa Saaka ku waaberiistay Shirkadda GOOGLE ee lagu keydiyo Xogaha Internet-ka lagu baahiyo oo sheegaysa in Quddus tahay Caasimadda Israel, taasi oo ka cadhaysiiyey Dadweynaha reer Falastiin, maaddaama oo GOOGLE yahay Shirkad Ganacsi oo Adduunka laga isticmaalo, xaq iyo xuquuqna aan u lahayn inay dhex gasho Siyaasadda, laakiin Dadka qaar baa qaba in GOOGLE uu fulinayo Siyaasadda Maraykanka, maaddaama oo Dalkaa laga leeyahay, inkasta oo ay ku jirto shirkadaha waaweyn ee Dadka Yuhuudda ahi saamaynta Maamul ku leeyihiin.

Hawraar.net/Hargeisa Office

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com