Haddi aad ka mid tahay dadka isticmaala teleefanada gacanta ee koo yaqaan Smart Phones waxa hubaal ah inaad la qabsatay dhawaaqa ku soo gaadha marka ay fariimuhuu kuu soo dhacaan ama dhawaaqa aad maqasho marka adeeg ka mid ah adeegyada teleefankaagu uu dib u cusboonaysiinayo dhamaan arrimaha aan soo sheegnay waxa ay ka mid yihiin arrimaha ka midka noqday noolol maalmeedkeena.

Haddaba akhriste ma is waydiisay dhibaatooyinka ka dhalab kara adeegyada kala duwan ee ku soo gaadhaya?,waxa hubaal in dad badani aanay dareensanayn in ay dhawaaqyadaasi leeyihiin dhibaatooyin caafimaad.

 

Sida lagu baahiyay shabakada Sky News baadhitaano cilmiyaysan oo arrintaasu lagu sameeyay ayaa waxa ku cadaaday in digniinaha kala duwan ee ka soo yeedha Telefanka Smart Phon ay yihiin ku xambaarsan halis caafimaad waxa aanay si toos ah u abaaraan isla markaana u waxyeeleeyaan qaar ka mid ahHaarmoonada Jidhka,waxaana arrintaasi ka dhalan kara garaaca waddnaha oo kor u kaca iyo qofka oo aan u neefsanayn sidii dabiiciga ahayd waxa kale oo ay sababaan Muruqyada jidhka oo daala .

 

Dadka aadka u isticmaala teleefanada Smart Phone-ka ayaa waxa ay celcelis ahaan maalintii ay fariimahaasi kala duwan eegaan 85 jeer waxa aanay aaminsanyihiin in dhibaatada uu telefanku soo gaadhsiin karo dhibaatada ka soo gaadhi karta shilalka halista ah.

 

 

 

 

.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA