Sidharth Malhotra Oo Daaha Ka Qaaday Inuu Jiro Hal Sheey Oo Isagu Uu Heysto Balse Uusan Laheyn Varun Dhawan

Sidharth Malhotra iyo Varun Dhawan waa laba shaqsi oo saaxiibo isku dhow ah, waxayna si wadajir ah u bilaabeen xirfaddooda Bollywood iyagoo kusoo galay filimkii Student of the Year ee ay atariishada ka aheyd Alia Bhatt.

Sidharth Malhotra iyo Varun Dhawan markasta waa laba saaxiib oo isku dhow inkastoo ay xaqiiqadu tahay inuu tartan dhanka shaqada ah ka dhexeeyo.

Sidaas darteed Sidharth ayaa la weydiiyey haddii uu jiro hal sheey oo uu isagu heysto balse uusan heysan saaxiibkiis Varun… Jawaabtii uu bixiyey ayaana aheyd mid cajiib ah.

Sidharth Malhotra ayaa ku jawaabay: “Dhowr inches! Micnaha waxaan ula jeedaa dhowr inches ayaan ka dheerahaya isaga”.

Waa sax oo 10 inches ayuu ka dheer yahay maadaama dhirirka Varun Dhawan uu yahay 1.73 meter, halka Sidharth Malhotra uu yahay 1.83 meter.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com