Somali Tahriibayaal Ahaa Oo Talyaaniga Loogu Haytay Afduub Oo Laga Soodaayey

Booliska wadanka  Talyaaniga ayaa gacanta kusoo dhigay 7-qof oo magafayaal ah kuwaasi oo dadka maxaabiis ahaan u qabsada marka ay soogalaan  xeebaha Talyaaniga si qoyskooda lacag ugaga  qaatan .

maxkamada Katania ay amar ku bixisay in 13-ka qof lasoo xidho kuwaasi oo arimo tahriib ku howlanaa,waxana lasoo qabtay 7-kamid ah halka la rumaysan yahay intii kale inay ka baxeen wadankaasi.

Waxaa la bartilmaamaysaday ilaa 9-guri oo kooxdaasi adeegsanaysay si muhaajirinta ay xabsi uga  dhigaan iyagoo lacag ka qaadanaya waxa lasoo daayay 37-qof oo Soomali ah oo guryahasi ku xidhnaa.

In kabadan 320,000-qof oo muhaajirin ayaa tagtay Talyaaniga inti u dhaxeysay 2014 ila 2015 iyagoo wadamadooda faqriga uga cararay si ay Yurub nolal wanagsan uga heli lahayen

 

Faalo Ka Dhiibo

comments