Furniinka ay  ku kala tagaan lamaanaha is guursada ee Ku nool Dalkaasi Sucuudiga ayaa sanad ba sanadka ka dambays kor u sii kaca .

Furniinka oo aynu ognahay in uu xalaal yahay ayaa haddana aanay haboonayn in lagu degdego maadama oo laga yaabo in lamaanaha kala tagaya uu Ilaahay Ubad kala siiyay isla markaana laga yaabo in ay ubadkaasi Dayacmaan.

Haddaba Dalka Sucuudiga ayaa Sanadkan maanta gebagebad ah ee 2017ka ayaa waxa ka dhacay 5000 oo furniin.

Haddaba 5000 kun ee furniin ayaa waxa ay badankoodu dhaceen bishii hore sida ay sheegtay wasaarada Cadaalada ee Sucuudigu .

Sidoo kale Maxkamadaha Dalkaasi ayaa waxa yaala 85770 dacwadood oo la xidhiidha arrintani ,xukuumada Sucuudiga ayaan ilaa iyo haatan wax tafaasiil ah ka bixin arrintani aadka u la yaabka badan .

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA