Marka cilmi ahaa la eegayo timuhu waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha halista gaadhsiiya hab-dhiska dheefshiidka qofka kaasi oo aan awoodin in uu dheefshiido waxa is waydiin leh sidee ayuu noqonayaa Caafimaadka qofk caadaystay in uu cuno timo kaliya ?

Team dhakhaatiir ah oo u dhashay Dalka Sucuudiga ayaa waxa ay ku guulaysteen in gabadh yar oo 4 jir ah oo u dhalatay dalkaasi ay ku fuliyaan qaliin kaasi oo lagaga soo saaray timo aad u tira badan oo ku ururay caloosheeda .

Dhakhtar hogaaminayay Team-kan ayaa waxa magiciisa la yidhaahda Xaamid Al-wadcaani ayaa waxa uu sheegay in gabadhaasi yar la keenay dhakhtarka xili ay xaaladeedu aad u adkayd waxaana lagu sameeyay baadhitaano lagu ogaaday in caloosheeda ay ku jirto guntin timo ah oo nabar ku noqotay,Dr Wadcaani ayaa waxa kale oo uu sheegay in markii ay qaliinkaasi ku fuliyeen gabadhaasi yar ay xaaladeeda caafimaad aad u wanaagsanaatay.

Hooyada dhashay Gabadhani yar ayaa sidoo kale sheegtay in gabadheedu ay timaha cuni jirtay arrintaasina ay sababtay in ay wax cunto ah cuni kari waydo isla markaaba uu korniinkeedu noqdo mid liita ,waxa kale oo ay sheegtay in qalniinkaasi lagu fuliyay uu wax badan u taray ,arrinta noocani oo kale ah ayaa ka mid ah arrimaha aadka Dunida ugu yar.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA