Sucuudiga: Laba Nin oo Hubaysnaa oo soo weeraray Suuq ku Yaala Magaalada Khubar,mid ka mid ahaa oo uu Nin Masri Ah Qabtay!

 

Dalka Sucuudiga ayaa waxa aad ugu yar falalka dhaca iyo boobka ah ,balse Magaalda Khubar ee Dalkaasi ayaa laba nin oo hubaysani ay soo weerareen Suuq ku yaala magaaladaasi.

Suuqa ayaa waxa ku sugnaa nin u dhashay Dalka Masar,waxa aanay Dadka u dhashay Sucuudiga oo baraha bulshada ku arkay muuqaal muujinayay dhacdadaasi oo ay duubeen kamaradaha ku yaalay suuqaasi ninka masriga ah ee gacanta ku dhigay mid ka mid ahaa labadaasi tuug isla markaana ka reebay qasnad ay lacag badani ku jirtay ayaa waxa ay ku tilmaameen in uu yahay nin geesi ah.

Dadka hadd iyo jeer caadaysto isticmaalka maandooriyaha ayaa waxa ay isku dayaan in ay goobaha ay filayaan in ay hanti ka helaan ay dhac iyo boob kula kacaan ,balse haatan ciidamada amaanka ee Dalkaasi ayaa gacanta ku haya mid ka mid ah labadaasi tuug .

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com