Sucuudiga : Nin Ku Soo Labistay Cabaayada Dumarka Oo Dawarsanyay Oo Gacanta Lagu Dhigay!

Cabaayad ayaa ah Dharka ugu muhiimsan ee ay haweenka Dalkaasi Sucuudigu xidhaan balse magaalada Xafaral Baadin ee Dalkaasi ayaa waxa ka dhacday arrin cajiib ah .

Nin u dhashay Dalkaasi ayaa waxa uu gacanta ku dhigay nin ku labisan cabaayad kaasi oo la dawarsanyay masaajid agtii,ninkani cabaayada ku labsinaa ee dawarsanyah ayaa isku dayay uu ninka gacanta ku dhigay uu ka baxsado balse waa uu ku guulaysan waayay .

Dadka u dhashay Dalkaasi Sucuudiga ayaa waxa ay baraha bulshada ku qaadaa dhigeen muuqaal iyo sawiro uu baraha bulshada ku baahiyay ninkaasi sucuudiyaanka ah .

Dadka arrintaasi falanqeeyay ayaa waxa ay iskugu jireen kuwa ka soo horjeedsaday ninkaasi dharka dumarka u xidhay si uu ugu dawarsado iyo kuwa u naxariistat oo sheegay in ay baahido ku kaliftay in uu sidaasi yeelo .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com