Nin u dhashay Dalka Sucuudiga ayaa waxa uu guursaday Afar Dumar ah oo u dhashay Dalka Marocco ,dadka u dhashay Dalkaasi ayaa ku kala qaybsamay guurka uu ninkaasi guursaday afarta Dumarka ah ee aan Dalkiisa u dhalan.

Dadka u dhashay Dalkaasi ayaa waxa ay baraha bulshada ku qaadaa dhigeen arrintani waxa aanay qaar ka mid ah dadkaasi ku tilmaameen in ay tahay talaabo aad u wanaagsan halka kuwa kalana ay ka soo hor jeedsadeen .

Dalka sucuudiga ayaa waxa lagu tilmaama in uu yahay dalka ugu furniinka badan dalalka Carabta ,sidoo kale dumar badan oo dalkaasi u dhashay ayaan nasiib u yeelan in la guursado waxa aanay badana ragga u dhashay dalkaasi badanaa jeclaystaan guurka dumarka aab u dhalanin dalkooda.

Sababta ay ragga dalkaasi u dhashay u door bidaan in ay guursadaan dumarka Ajnabiga ah ayaa waxa ay tahay in qiimaha Meherka Haweenka Sucuudiga u dhashay uu yahay mid aad u sareeya sidoo kalana ay Waalidiinta u dhashay Sucuudigu ay Lacag aad u badan ku xidhaan Ragga u dhashay Dalkooda ee ka soo doona gabdhaha ay dhaleen .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA