Sunta dabaqallooca (Scorpion Venom) ayaa noqotay dareeraha ugu qaalisan dunida, Taasoo 3.7 Litter lagu qiyaasay lacag dhan 38.6 Milyan oo Doolar. Waxay ka qaalisantahay sunta boqor kobraha Thailand (King Copra) kaasoo lagu qiyaaso 3.7kii litterba inay la qiimo tahay 154 Kun oo doolar kaliya.

Xayawaanka Dabaqalooca

Warbixinta lagu baahiyay bogga Natural Science page  oo Jaamacadda Arizonana ay ka qaybqaadatay ayaa sheegtay in sunta Dabaqallooca ay ku jiraan ilaa 5 Million oo habdhis oo aan wali la baadhin (Unstudied Compounds).

Waxay sidoo kale suntani muhiim u tahay daawaynta, sidoo kalana dawooyin cusub oo badana waa laga soo saari karaa.

Tusaale ahaan dawada VIDATOX oo laga soo saaray dabaqalooca midabkiisu uu buluuga yahay ayaa waxa loogu magac daray Mucjisada Kuuba  (Cuba’s Miracle Drug) kadib markii ay noqoto dawo lagu daweeyo cudurka Cansser-ka .

Waxaana dawadan lagu tijaabiyay 10 kun oo qof oo cudurka kansarka qaba waxayna muujisay natiijo wanaagsan oo ay kula macaamishay noocyada kansarka ee is bedbedala. Waxaa sidoo kale Cilmi baadhis lagu wadaa in sunta dabaqallooca laga sameeyo Xanuun baabi’yayaasha (Bain killers).

Waxaa jira ilaa 2,000 (labo kun) oo nooc oo dabaqallooca in kastoo ilaa afartameeyo kun la sheegay inay suntoodu dili karto bani aadamka.

Cilmi baadhista Sunta daba qallooca lagu wado ayaan wali dhamaan,waxaana arrintaasi u sabab ah in sun u leeyahay dabaqallocu oo fara badan aan la helin.

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA