Super Star Salman Khan Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Wararka Sheegaay In Uu Dhawaan Guursanaayo

Super Star Salman Khan, ayaa ugu dambeyn ka hadlay, wararka xanta hoose  ah ee la xidhiidha Guurkiisa, kaasoo maalmihii lasoo dhaafay si aad ah u qabsaday warbaahinta iyo baraha Bulshada.

Mar uu maanta qabanayay shir jaraa’id ayaa qaar ka mid  ah wariyaasha goobta ku sugnaa, waxeey weydiiyeen waxa kajira wararka sheegaya inuu dhawaan guursanaayo gabadha reer Romania ee  Lulia Vantur.

Salman ayaa durbadiiba asigoo cadho ka muuqato ku jawaabay sidan, “Waqtiga aan guursanyo waa go’aan aniga ii yaala, looma baahno inaan sheegsheego”.

“Waxaan soo dhigi doonaa baraheyga Bulshada, sida Facebook iyo Twitter, waana la wadaagi doonaa taageerayaasheyda”  

 

 

Faalo Ka Dhiibo

comments